Dab Ka Kacay Doon Ku Taallay Agagaarka Dekeddii Hore ee Berbera

Saturday August 08, 2026 - 19:11:40
hadhwanaagnews
Hawlgalka waxaa sidoo kale ka qayb qaatay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, ...


May be an image of boat

Berbera – Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ee Gobolka Saaxil, gaar ahaan degmada Berbera, iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa si wadajir ah uga hawlgalay dab ka kacay doon ciladaysan oo ku sugnaa agagaarka Dekeddii Hore ee Dekedul-Xadiid, meel u dhow Dekedda Berbera.

 

Dabka ayaa halis u ahaa inuu ku fido doonyaha kale ee kalluumaysiga iyo maraakiibta waaweyn ee goobta ku sugnaa, balse ciidamada gurmadka ayaa si degdeg ah uga jawaabay, iyaga oo ku guulaystay inay xakameeyaan oo damiyaan dabka.

 

Hawlgalka waxaa sidoo kale ka qayb qaatay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Maayirka Berbera, Maareeyaha Dekedda, Booliska iyo laamaha kale ee amniga, kuwaas oo iska kaashaday ka hortagga faafitaanka dabka iyo waxyeello ka dhalan karta.

 

Ciidamada gurmadka ayaa ugu dambayn ku guulaystay inay damiyaan dabka, iyagoo ka hortagay inuu gaadho doonyaha iyo maraakiibta kale ee ku dhowaa goobta.

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa ugu baaqay wadayaasha doonyaha iyo maraakiibta inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana hubiyaan badqabka iyo xaaladda farsamo ee gaadiidkooda badeed ka hor inta aanay bilaabin safarrada badda.

     
Loading...