Turkiga oo FBI-da u Gacan Geliyey Nin Lagu Eedeeyey Musuqmaasuq Dhan $3.7 Bilyan

Tuesday June 23, 2026 - 10:18:16
hadhwanaagnews
Ibraahin Khalduum Hilmi, kaas oo sannadkii hore ka ,...



Laamaha ammaanka ee dalka Turkiga ayaa hay’adda FBI-da Maraykanka ku wareejiyey Ibraahin Khalduum Hilmi, kaas oo sannadkii hore ka baxsaday Maraykanka, isla markaana loo haysto musuqmaasuq lacageed oo gaadhaya $3.7 bilyan.

 

Sida ay baahisay warbaahinta Fox News, ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu ka mid ahaa shaqsiyaad ku lug lahaa khiyaanooyin waaweyn oo lala beegsaday barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Medicare.

 

Wararka ayaa sheegaya in lacagahaasi loogu talagalay adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka bulshada, balse aanay gaadhin dadkii loogu talagalay, iyadoo loo adeegsaday siyaabo sharci-darro ah.

 

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa ku tilmaamay kiiskan mid ka mid ah musuqmaasuqyadii ugu waaweynaa ee soo mara barnaamijyada caafimaadka ee dowladda Maraykanka.

 

Ibraahin Khalduum Hilmi ayaa hadda wajahaya dacwado la xidhiidha khiyaano maaliyadeed, musuqmaasuq iyo lunsashada lacagaha daryeelka caafimaadka, kadib markii Turkigu ku wareejiyey hay’adaha amniga Maraykanka.

     
Loading...