DEG DEG: 3 Qof Oo Ku Dhintay Colaadda Buuraleyda Ceerigaabo

Tuesday May 05, 2026 - 15:22:49
hadhwanaagnews
Wuxuu yidhi: "Colaada Buuraleyda Sanaag dhimashadu waa saddex


Maayer ku xigeenka Degmada Ceerigaabo ahna ku simaha maayirka, Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Cabdiraxmaan Gaadhijiid), ayaa ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan deegaanada Buuraleyda Sanaag, gaar ahaan Xaysimo iyo Wadaagsin.


 

Maayir ku xigeenka ayaa sheegay in colaaddaasi ay sababtay dhimashada saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan toban qof.


 

Wuxuu yidhi: "Colaada Buuraleyda Sanaag dhimashadu waa saddex, dhaawacuna waa tobaneeyo kor buu u dhaafayaa.”


 

Sidoo kale, wuxuu tacsi u diray eheladii ay ka baxeen dadka dhintay, isaga oo u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay dadaallada nabadaynta.


 

Ugu dambayn, wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo nabadgelyada, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu soo afjarayo colaadda ka taagan deegaanadaasi.

     
Loading...