hadhwanaagnews
Guddida heer Wasiir iyo xubnaha farsamada ee mashruuca SINAAN ayaa yeeshay shirkoodii labaad, kaas oo ka qabsoomay Ambassador Hotel. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta marxaladda uu marayo mashruuca iyo guulaha laga gaadhay tan iyo markii la bilaabay.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Somaliland, Xasan Axmed Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose, iyo wakiillo ka socday qaar ka mid ah wasaaradaha mashruucu khuseeyo.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday hay’adda DT Global, xafiiska dowladda Ingiriiska, iyo masuuliyiinta degmooyinka Burco iyo Tog-Wajaale.
Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey horumarka mashruuca SINAAN, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo hirgelinta mashruuca si kor loogu qaado adeegyada iyo horumarinta maamulka degmooyinka ka faa’iideysanaya.