Madaxweyne Cirro oo Dalka Ku Soo Laabtay Kaddib Shirkii Dubai

Thursday February 12, 2026 - 11:05:42
HADHWANAAGNEWS
Shirka Kulanka Dawladaha Adduunka oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
May be an image of text


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka dalka ku soo laabtay kaddib safar shaqo ee uu ku tegay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kaga qayb-galay Shirkii Dawladaha Adduunka ee ka qabsoomay magaalada Dubai. 

Shirka Kulanka Dawladaha Adduunka oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka qayb galay markii 2-aad oo xidhiidh ah, ayaa ahmiyad istiraatiijiyadeed oo muhiim ah u lahaa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, maalgashiga, iskaashiga amniga, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
     
Loading...