E VISSA; DAGAAL SIYAASADEEDKA CASRIGA AH

Wednesday December 24, 2025 - 08:54:36
HADHWANAAGNEWS
1. Tacriifadda Kastamada: Macnaha iyo Doorkeeda Siyaasadeed.


Tacriifadda Kastamada iyo Shuruucda Socdaalka: Tiirarka Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Istiraatiijiyadda Qaranka.

" E vissa waxa uu ka mid yahay dagaalada siyaasadeed iyo is-muquuninta ah ee looga faaiideysanayo siyaasadda socdaalka ee dunida casriga ah "

Tacriifadda kastamada (Customs Tariff) iyo shuruucda socdaalka (Immigration Laws) waxa ay ka mid yihiin siyaasadaha ugu muhiimsan ee dawladuhu u adeegsadaan ilaalinta danahooda qaran, xakamaynta isku socodka badeecadaha iyo dadka, iyo maaraynta xiriirrada caalamiga ah. Labadan siyaasadood waxa ay si toos ah ula xiriiraan madaxbannaanida dawladnimo, amniga qaranka, iyo horumarinta dhaqaalaha.

1. Tacriifadda Kastamada: Macnaha iyo Doorkeeda Siyaasadeed.

Tacriifaddu waa qiime lacageed oo lagu cashuuro badeecadaha dalka dibaddiisa ka imanaya, waxaana masuul ka ah hirgelinteeda wasaaradda horumarinta maaliyadda, gaar ahaan waaxda kastamada. Marka laga eego dhinaca siyaasadda, tacriifaddu ma aha oo keliya il dakhli, balse waa qalab siyaasadeed oo istiraatiiji ah oo lagu jaangooyo xiriirka ganacsi iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka.

Tacriifadaha badanaa waxa lagu saleeyaa mabda’a dano wadaag (Mutual Interests), iyada oo la tixgelinayo awoodda dhaqaale, baahida suuqa, iyo xaaladaha siyaasadeed ee jira. Sidaas darteed, wax-ka-beddelka tacriifadda waxa uu inta badan ka tarjumaa isbeddel ku yimaadda danaha iyo xiriirrada dawladaha.

b). Somaliland iyo Ku-tiirsanaanta Wax Soo Dejinta

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal si weyn ugu tiirsan wax soo dejinta, maadaama in ka badan 90% badeecadaha la isticmaalo—sida cuntooyinka, dawooyinka, dharka, iyo agabka kala duwan ka yimaaddaan dibadda.

Sidaa awgeed, tacriifadda kastamadu waxa ay door muhiim ah ka qaadataa dakhliga dawladda, isla markaana saamayn toos ah ku leh nolosha bulshada iyo xasiloonida dhaqaalaha qaranka.

t). Tacriifadda oo ah Siyaasad Lagu Gorgortamo

Inaga oo og Xidhiidhka wadamada deriska aynu nahay iyo danaha inaga dhaxayn kara xiligani , isla markaana laga filayo isbeddello siyaasadeed oo ku yimaadda danaha iyo xidhiidhada dibadda, gaar ahaan xukuumada hada talada haysa , tacriifadda kastamadu waxa ay noqoneysaa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba lagu gorgortami karo.

Wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo tacriifaddu waxa uu ku xidhnaanayaa danta qaranka, heerka is-dhexgalka ganacsi, iyo faa’iidada ay dawladuhu kala helayaan.

j). Noocyada Xidhiidhada Caalamiga ah ee Dawladaha

Xidhiidhada caalamiga ahi waa kuwo ballaadhan oo dhinacyo badan leh, waxaana ka mid ah:

1. Isku socodka dadka iyo gaadiidka

2. Ganacsiga iyo is-weydaarsiga badeecadaha

3. Siyaasadda iyo arrimaha diblomaasiyadeed

4. Iskaashiga amniga iyo xasilloonida

5. Waxbarashada, caafimaadka, ciidamada iyo dalxiiska

6. Ixtiraamka iyo hab-maamuuska madaxda (Courtesy)

7. Iskaashiga kastamada iyo la-dagaallanka caqabadaha wadajirka ah

8. Dekedaha, dekedaha qalalan, magaalooyinka ganacsiga iyo aagagga cashuuraha ka caagan

9. Iskaashiga dawladaha hoose iyo magaalooyinka

Xidhiidhadan kala duwan ayaa saldhig u ah is-dhexgalka casriga ah ee dunida maanta.

2. Shuruucda Socdaalka: Muhiimadda Siyaasadeed iyo Maamul.

Shuruucda socdaalka (Immigration Laws) waa qayb ka mid ah siyaasadda qaranka ee lagu maamulo socdaalka sida ; soo gelitaanka, joogitaanka, iyo ka bixitaanka dalka.

Waxa ay sidoo kale yihiin fursad siyaasadeed oo lagu gorgortamo marka la dhisayo xidhiidho ku saleysan is-ixtiraam iyo faa’iido wadaag wadamada iyo dawladaha danuhu ka dhexeeyaan yeelanayaan.

Dagaalka casriga ah ee E-Visa waxa uu muujinayaa in socdaalku aanu ahayn arrin dhaqaale oo keliya, balse uu sidoo kale yahay astaan awood, maamul iyo aqoonsi dawladnimo oo ku tusaysa sida la isku muquunin karo aduunka casriga ah .

Inaga oo ka duuleyna muhiimada siyaasadda socdaalka dalka iyo dawladaha inaga dhaxeyn kara waxa inoo ah wax weyn qodobaddan ;

b) . Somaliland iyo Doorkeeda Istiraatiijiga ah ee Gobolka

Iyadoo dalalka Geeska Afrika dhaqaale ahaan isu tiirsan yihiin, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay leedahay kaalmo istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay tahay albaab ganacsi iyo marin muhiim ah (Horn of Africa Hub).

Sidaa darteed, ka faa’iidaysiga fursadaha jira ee ku saabsan tacriifadaha iyo shuruucda socdaalka waxa ay Somaliland siin kartaa koboc dhaqaale, dakhli cusub, iyo kor u qaadista doorkeeda siyaasadeee ee gobolka iyo caalamigaba ah.

t). Ahmiyadda labaad oo noqoneysa xasilinta amniga iyo sugnaanshaha nabadgalyada qaranka, ka gobolka iyo ka caalamiga ah .

Ugu dambayn, tacriifadda kastamada iyo shuruucda socdaalku waa laba tiir oo aan laga maarmi karin oo ka mid ah siyaasadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee wax la isaga celin karo.

Waxaana aynu u baahan nahay in si cilmi ah , istiraatiiji ah, isla markaana dan-qaran ku dhisan dib loogu eego, looguna adeegsado xoojinta dhaqaalaha, sugidda amniga, iyo horumarinta xidhiidhada dawladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Mohamed Abdi Jama
(Dhimbiil Mohamed).

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...