hadhwanaagnews
Siyaasadda Soomaalida badankeed waxaa lagu gartaa tartan ku saleysan qabyaalad, dano gaar ah iyo awood-doon. Taasi waxay sababtay in hoggaanka loo arko meel lagu raadsado magac iyo maamuus, halkii uu ahaan lahaa adeeg bulsho.
Si kastaba ha ahaatee, dunida waxaa ka soo baxay siyaasiyaal cusub oo muujinaya in siyaasadda lagu dhisi karo daacadnimo, isku duubni, iyo u adeegidda dadka. Mid ka mid ah tusaalooyinka la taaban karo waaZoran Mamdani, siyaasi dhalinyaro ah oo laga doortay degmada Astoria ee gobolka New York oo loo doortay Maayirka New York. Mamdani wuxuu noqday astaan u taaganjiil siyaasadeed cusubmid ku saleysan mabaadi’ iyo caddaalad. Haddaba, maxaan Soomaalida uga baran karnaa hoggaamiye sidan oo kale ah?
1. Jiil da’yar ayaa isbeddel keeni kara
Mamdani wuxuu caddeeyay in dhalinyaradu ay door weyn ku leeyihiin siyaasadda, haddii ay si abaabulan ugu ololeeyaan danta guud. Isagu ma sugin in "waqti sax ah” yimaado, balse wuxuu sameeyay ficil toos ah.
Cashar:
Dhalinyaradu waa inay aaminaan awooddooda isbeddelka.
2. Siyaasadda waa adeeg bulsho
Wuxuu tusaale u yahay siyaasi bulshada dhexdeeda ku sugan, ma aha mid xafiis ku xiran. Wuxuu si joogto ah ula hadlaa dadka deegaanka, isaga oo u ololeeya arrimahooda sida kirada iyo hoyga.
Cashar:
Siyaasad dhab ah waa mid dadka u adeegta, ee aan ka faa’iidaysan.
3. Qabyaaladdu Waa Caqabad Horjoogta Horumarka
Qoyska reer Mamdani oo ku noola waqti badan Afrika, Asal ahan Hindi Muslim ah wuxuu astaan u yahay sida kala duwanaanta loo mideyn karo.Hase yeeshee, Soomaalida waxaa weli dib u dhigay qabyaalad keenta kala qaybsanaan iyo is-aamin darro.
Cashar:
Qabyaaladdu waa caqabad horjoogta horumarka.
4. Difaaca dadka la haybsooco
Mamdani si joogto ah ayuu ugu hadlaa dadka la dulmiyo — sida dadka soo galootiga ah, Muslimiinta, iyo dadka madow.
Cashar:
Cadaaladdu ma aha mid koox gaar ah u taagan; waa in loo wada istaago dadka la takooro.
5. Isbeddelka dhabta ahi wuxuu ka yimaadaa bulshada
Kahor inta uusan siyaasi noqon, wuxuu ahaa abaabule bulsho. Taasi waxay muujinaysaa in isbeddelku uu ka bilaabmo bulshada hoose, ka hor inta uusan gaarin xafiisyada sare.
Cashar:
Dadka caadiga ahi waa laf-dhabarta isbeddel kasta.
Zoran Mamdani wuxuu tusaale u yahay hoggaamiye daacad ah oo siyaasadda u adeegsada adeeg bulsho, ma aha dan gaar ah. Haddii siyaasiyiinta Soomaalida ay ka baran lahaayeen mabda’aas gaar ahaan in la dhaafo qabyaaladda oo la hormariyo bulshada, siyaasaddeennu waxay noqon lahayd mid daahfuran, cadaalad ah, oo horseedda horumar.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!