Maanta, shacabka reer Somaliland laguma qancin karo in dadka Gabiley
Suldaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed, oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee gobolka Gabiley isla markaana ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), si toos ah uga codsaday in uu mudnaan gaar ah siiyo hirgelinta biyo macaan oo gobolka Gabiley laga hirgeliyo, iyo sidoo kale in uu dhamaystiro gobolnimada Gabiley oo muddo dheer sugaysay sharciyeynteeda buuxda.
Suldaanku waxa uu hadalkan ka jeediyey kulan ballaadhan oo ay kasoo qaybgaleen madax dhaqameed, waxgarad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Gabiley
waxaanu yidhi "Mudane Madaxweyne, halkan waxa fadhiya bulshada reer Gabiley oo ku leh ‘soo dhawoow’. Dadka reer Gabiley waxaa loo haystaa inay dawladnimada Somaliland ku qanceen, kuna badhaadheen. Waanaad ogtahay, Madaxweyne, in shalay adigu aad halkaan ugu baaqaysay in la helo biyo macaan.
Maanta, shacabka reer Somaliland laguma qancin karo in dadka Gabiley ay weli dalbanayaan biyo macaan, iyadoo ay inaga soo wareegtay 35 sano tan iyo markii aynu Somaliland ahayn.”
Intaa kadib, Suldaan Ismaaciil wuxuu Madaxweynaha ku booriyay in uu si rasmi ah u dhamaystiro gobolnimada Gabiley arrin uu sheegay inay muddo dheer taagnayd, islamarkaana ay tahay mid si weyn qalbiga ugu haysa bulshada gobolkaas.
"Mudane Madaxweyne, reer Gabiley waxay mar kasta Madaxweynaha xilka haya ka codsadaan in la ansixiyo gobolnimadooda. Adigana si sharaf leh ayaanu kaa codsanaynaa: maanta adigaa haya ‘midida daabkeedii’, waxaanu kaa rajaynaynaa inaad naga dhammaystirto inta naga dhiman ee gobolnimada Gabiley qaybta dhabta ah ee ka dhimman.