Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo ku gudo jira maalintiisii 2-aad ee Safarka shaqo ee magaalada Gabiley,
ayaa maantaDhagax-dhigay Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Gabiley, kaasi oo noqon doona garoon casri ah oo lagu qabto cayaaraha heer qaran iyo kuwo heer gobolba ah.
Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey munaasibadda Dhagax-dhigga Garoonka ayaa xusay in ciyaaruhu yihiin awood mideeya bulshada, kobciya caafimaadka, dhiirrigeliya kartida dhallinyarada, isla markaana dhisa isdhexgalka iyo waddaniyadda ummadda JSL.
Bulshada magaalada Gabiley ayaa si diirran u soo dhaweeyey mashruucan, kuna tilmaamay mid waxtar u leh Dhalinyarada korna u qaadaysa magaca iyo sumcadda Gobolka Gabiley.