Guddidu waxay ka wareysteen aqoontooda iyo qorshayaasha
Guddida Khayraadka Dabiiciga ah, Deegaanka, Wax-soo-saarka iyo Tamarta ee Golaha Wakiillada ayaa kulan xog-waraysi iyo kormeer ah la yeeshay masuuliyiinta cusub ee uu Madaxweynaha magacaabay ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.
Guddidu waxay ka wareysteen aqoontooda iyo qorshayaasha ay hay’adda ku horumarin doonaan, halka masuuliyiintuna ku faahfaahiyeen istaraatiijiyaddooda ilaalinta tayada badeecadaha iyo adeegyada bulshada.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfahan, waxaana natiijooyinka iyo talooyinka loo gudbin doonaa Shirguddoonka Golaha Wakiillada.