Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa ku dhawaaqay natiijada imtixaannada qaranka ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025, taas oo ay galeen in ka badan 40 kun oo arday. Guusha ardayda reer Somaliland ayaa gaadhay heer aad u sarreeya oo ka badan 97%. Waa farriin dhiirrigelin u ah waalidiin, macallimiin iyo dhammaan bulshada Somaliland, waana arrin muujinaysa in tacliintu tahay laf-dhabarka horumarka mustaqbalka dalka.
Marka la eego tirooyinka, waxaa muuqata in heerka guusha ardayda fasalka 8-aad uu gaadhay 98.3%, halka ardayda dugsiga sare ee fasalka 4-aad ay gaadheen 97.9%. Tani waxay tusaale u tahay dadaalka la wada qaatay ee macallimiin, waalidiinta, wasaaradda waxbarashadas iyo arday. Si kastaba ha ahaatee, guushan ballaadhan maaha oo kaliya tiro farxad leh, balse waa mas’uuliyad dheeraad ah oo ka turjumaysa dedaalka iyo juhdiga ay wasaaradda waxbarashadas, xafiiska imtixaanaadka qaranka, waalidiinta iyo ardaydas reer Somaliland ku bixiyeen heerarka waxbarasho ee kala duwan.
Tifaftir ahaan, waxaan bogaadinayaa kartida hoggaamineed ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, kuwaas oo muujiyay dedaal iyo nafhurnimo ay ku xoojiyeen hannaanka iyo geeddi-socodka nidaamkeena waxbarasho, isla markaana soo saaray arday tiro badan oo ku hubaysan aqoon iyo xirfad buuxda.
Wargeyska Dawan wuxuu hambalyo iyo mahadnaq u dirayaa ardayda ku guuleysatay imtixaanka shahaadiga ah, macallimiinta dadaalka badan geliyay waxbaristooda, waalidiinta garab istaagay ubadkooda, iyo hay’adaha waxbarashada qaranka JSL ee suuro-geliyay hannaanka iyo saaxadda quruxda badan ee waxbarasho. Guusha imtixaanku waa tallaabada koowaad ee safarka aqoonta, hase yeeshee waxa horyaalla ardaydaas mas’uuliyad weyn oo ah in ay gaadhsiiyaan waxbarashadooda heer jaamacadeed, isla markaana guushaasi isu beddesho wax-soo-saar dhab ah oo mustaqbal ifaya u horseeda dhalinyarada Somaliland.