Daraasaddan oo si casri ah loo sameeyay iyadoo la adeegsanayo
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Aadan Cabdilaahi Cabdille ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hay’adda Pharo Foundation iyo koox khubaro ah oo si qoto dheer ugu takhasusay cilmiga biyaha.
Kulankan oo dhacay iyadoo lagu jiro dadaallada lagu horumarinayo helitaanka biyo nadiif ah, ayaa diiradda lagu saaray daraasad muhiim ah oo la xidhiidha xaaladda biyaha ee dalka, gaar ahaan dhismaha iyo baahida dhaamamka.
Daraasaddan oo si casri ah loo sameeyay iyadoo la adeegsanayo Aalada Satellite-ka, ayaa iftiiminaysa meelo muhiim ah oo suurtogal ah in laga hirgeliyo kaydad biyo oo waxtar leh. Marka la dhamaystiro daraasaddan, waxa ay noqon doontaa tiir-dhexaad weyn oo kaabaysa qorsheyaasha biyo-siinta magaalooyinka dalka iyo waliba Miyiga, iyada oo sal u noqon doonta go’aan qaadasho cilmiyeed iyo qorshayaasha fog ee Biyaha .
Wasaaraddu waxay rajo weyn ka qabtaa in natiijooyinka daraasadani ay horseedi doonaan in si wax ku ool ah loo maareeyo khayraadka biyaha ee dalka, loogana jawaabo baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.