Afhayeen Xuseen Deyr oo u jawaabay RW Xamse Cabdi Barre

Saturday July 26, 2025 - 10:28:18
hadhwaangnews
"Hadalka uu Raysal-wasaaraha Muqdisho ku yidhi, "Soo baxa oo ficil sameeya,...


Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeedhay Raysal-wasaaraha Soomaaliya ee uu jaaliyaddooda ugu baaqay inay ku mudaharaadaan Baarlamaanka Ingiriisku uu ka turjumayo in cabsida maamulkiisu ka qabo inay wajahaan xaqiiqada.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu intaas ku daray in Somaliland oo ah waddan xasiloon oo dimuqraaddi ah ay gebi ahaanba ka duwan tahay Soomaaliya oo ay halakeeyeen amni darro, burbur iyo ku-tiirsanaanta ciidammada shisheeye.

Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo turjuntay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Wuxuuna naqdiyay hadalkii Raysal-wasaaraha maamulka Muqdisho uu ku guubaabiyay jaaliyadahooda inay ku mudaharaadaan Xildhibaan Gavin Williamson iyo xildhibaannada kale ee garwaaqsaday xaqa ay JSL u leedahay aqoonsi iyo guulihii ay gaadhay 34kii sannadood ee la soo dhaafay.

"Hadalka uu Raysal-wasaaraha Muqdisho ku yidhi, "Soo baxa oo ficil sameeya," waxay muujinaysaa cadho iyo quus ka dhalatay xaqiiqda ay xukuumaddiisu ka gilgilanayso," ayuu yidhi afhayeen Xuseen Deyr.
Md. Xuseen Deyr wuxuu ku dhaliilay Soomaaliya inay ku dhisan yihiin yabooh dhaqaale iyo ciidamo shisheeye, isla markaana aan la dooran madaxdooda ee la soo xulo.

Waxa kaloo Afhayeenka madaxweynuhu sheegay inay Somaliland qabsatay doorashooyin hufan oo dimuqraaddi ah oo beesha caalamku korjoogto iyo markhaati ka ahayd, waxaanu tibaaxay in xukunka JSL la iskugu wareejiyo hab nabdoon maadama oo ay Somaliland ku dhisan tahay rabitaanka shacabkeeda.

Mr. Deyr wuxuu xusay in walbahaarka haysta maamulka Muqdisho uu yahay farqiga u dhexeeya Somaliland oo ah dal guullaystay iyo Soomaaliya oo fashilantay, taasi oo caalamka u kala muuqata isla markaana aan la iska indhotiri karin xaqiiqda jirta.

Waxa kaloo uu ku dooday in Somaliland ay ka jirto kala dambayn, dimuqraaddiyad iyo isku filanaansho, halka maamulka Muqdisho lagu bartay burbur, qas, musuqmaasuq iyo inay ku-tiirsan yihiin taageero shisheeye.
Ugu dambayn, Afhayeenka madaxwrynuhu wuxuu tilmaamay in aqoonsiga Somaliland aanu ahayn codsi, hase ahaatee uu yahay xaqiiqo wakhtigiisii la gaadhay.
     
Loading...