Boqor Faysal Cismaan Faarax oo ka mid ah Madaxdhaqameedka reer Somaliland gaar ahaan gobolka Snaag ayaa si wayn u soo dhaweeyay gogosha nabadda ee Madaxweynaha Somaliland dhigay gobolka Sanaag. Waxaanu sheegay in isaga, boqor ahaan iyo deegaankiisa oo ah ka ay saamaynta ugu badan colaadda gobolka Sanaag ay ku yeelatay in ay diyaar u yihiin in ay nabada ka shaqeeyaan. Waxaanu ku bogaadiyay madaxdhaqameedka Sanaag bari ee uu ugu horreeyo Suldaan Siciid sida wanaagsan ee ay gogosha nabadda u soo dhaweeyeen.
Boqor Faysal Cismaan Faarax waxa uu intaa raaciyay in Boqor ahaan iyo ka beel ahaan ba in ay diyaar u yihiin wax kasta oo dhankooda laga tabanayo in ay daweeyaan oo ay ka bogsiinayaan cid kasta oo dhankooda wax ka tabanaysa.
Boqor Faysal Cismaan Faarax oo waraysi uu wargeyska Dawan, ayaa ugu horrayn isaga oo gogosha nabadda ka hadlayat waxaa uu yidhi "Marka hore waxaannu ayidaynaa oo soo dhawaynaynaa oo aanu aqbalnay oo qaadanay gogosha nabadda ee Madaxweynaha Somaliland uu dhigay Sanaag, wax kasta nabadda ayaa ka qiimo badan, wax kastana waxaa ka wayn wada jirka ummadda, markaa dhankayaga nabadda diyaar ayaannu u nahay, arrintaas waanu ka shaqaynaynaa. Waxa kale oo aan aad u hambalyaynayaa madaxdhameedka gogosha nabada aqbalay ee uu hormuudka u yahay Suldaan Siciid. Waxaanan leeyahay walaal ALLE ayaa isu keen dooray haddaynu nahay reer Sanaag, wada jirkeena ayay guusheenu ku jirtaa, waliba waxaan diyaar u nahay wixii dhaqan ah ee annaga nalaga tirsanayo cid kasta in aan ka bogsiinno oo ka dhayno oo ka shaafino.
Wixii siyaasad iyo tabasho mansab ahna xukuumadda iyo Madaxweynaha ayaa looga fadhiyaa, wixii beel ahaan nalaga tirsadana diyaar ayaan u nahay in aan cid kasta ka daw-marino.”
Boqor Faysal ayaa intaa raaciyay "Gogosha nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Sanaag dhigay waa mid ka go’an cid kasts oo reer Sanaag ah, waanan isku raacsannahay madaxdhaqameed iyo bulshoba in nabad gelyo wax kasta lagu soo dhammeeyo oo gogoshaa nabadda ee Madaxweynaha qaranku dhigay Sanaag in aan ka wada shaqayno.
Nabadda Sanaag Madaxweynaha ayaa noogu oday ah oo nagu hoggaaminaya, anaguna haddaanu madaxdhaqameedka nahay waxaanu nahay baalashii Madaxweynaha iyo bulshada u dhexeeyay.”