U ogolaaw ineey tagaan:-

Wednesday June 11, 2025 - 20:43:27
hadhwanaagnews
Hadii caruurtaadu diidaan ineey lugo baxsi banaanka kuula aadaan
———————————————————————————
90% dhibaatooyinka nolosha waxeey inooga imaadaan inaan isku dhajino qof aanan ina rabin amaba aan ka daba orodno wax aanan maamuli karin. Deedna waxaan bilaawnaa wixii aan maamuli kari weeynay inaan ka shaleeyno sababta aan u maamuli kari weeynay. Se xalka dhibaatadaan waxaa soo jeedisay mel robbins, iyadoona soo bandhigtay aragti la magac baxday "u ogoloow.”

Waxeey leedahay mel robbins, oo ah qoraa ameerikaan ah, hadii eey saaxiibadaa dalxiisyada, iyo waliba barnaamijyadooda gaarka ah kugu casuumi waayaan, u ogolaaw ineey kugu casuumi waayaan.
Hadii qoftii aad dunida ka dooratay misane aad ruuxdaada u hibeeysay eey go’aansato ineey kaa tagto, u ogolaaw ha tagto e.

Hadii caruurtaadu diidaan ineey lugo baxsi banaanka kuula aadaan u ogoloow ineey diidaan.
Hadii ay kuula dhaqmi waayaan dadka sidii aad mudneed amaba aad ka fileeysay ineey kuula dhaqmaan u ogoloow ineey sidaas u dhaqmaan oo adigu waxba ha isku murjinin, naftaadana silic iyo saxariir ha galinin, waayo wax waliba oo dhacaa marnaba ma maamuli kartid dadkaasi doorashadooda.

Sidoo kale, si waliba oo aan u rucleeyno marnaba tagtada, amaba timaadada waxyaabaha dhici doono ma maamuli karno se kaliya waxaan xakameeyn karnaa sida aan u faaleeyneeyno amaba ula fal-galeeyno.
Nin xikmad badane ahaa ayaa la waydiiyey maxaa mar waliba u faraxsan tahay? waxa uuna ku jawaabay; maalin waliba oo aan soo tooso waxeey nolosha isoo hordhigtaa 2 arin oo kala ah:
1-inaan farxo iyo
2-inaan xanaaqo.
Aniguna waxaan doortaa inaan farxo, isagoo hadalka sii wado xikmad badanihii ayuu yiri anigu marnaba ma xakameeyn karo cimilada, dhaqaalaha, amaba hab-dhaqanka dadka, se waxaan xakameeyn karaa dooqeeyga iyo waliba sida aan u faaleeynaayo arimahaasi, aniguna had iyo jeer waxaan doortaa mida nabadda iigu jirto.
Marar badan waxaa dhacdo inaan dadka kale waxyaabo ka sugno, inagoo waliba tamar iyo waqti ku qasaarineeyno sugitaankaasi, taasina waxaa ka dhasha ineey dadku dareemaan inaan u baahanahay deedna waxa ay naga sameeystaan waxa ay rabaan amaba waxaa macquul ah inaan isku dayno inaan dadka kale aragtiyaheena indhaha ka galino iyaguna aysan diyaar u aheeyn inaay na dhageeystaan. Habada u ogoloow dadkaasi ineeysan inaga ina dhageeysan, sidoo kalena aan nafteena u ogolaano ineeysan iyaga waxba u calaacalin!.
Ugu danbeeyn, aragtida u ogoloow waxeey inoo soo jeedineeysaa inaan marnaba ka walwalin faaruqida ay ina faaruqayaan kuwa aanan ina rabin, sidoo kalena waa inaan marnaba ka fikirin dadyoowga hadalada qalafsan waxa ay ina dhahayaan amaba sida ay inoo arkayaan.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...