Madaxa difaaca ee Hindiya ayaa sheegay in wadanka uu soo gaadhay khasaare hore oo dhanka hawada ah intii uu socday dagaal militeri oo uu dhawaan la galay dalka ay jaarka yihiin ee Pakistan, balse wuu diiday in uu tafaasiil ka bixiyo.
"Waxa muhiimka ahaa waa, maxay khasaarahan u dhaceen, iyo waxa aan samayn doono intaas ka dib,” General Anil Chauhan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Sabtidii isaga oo ka hadlayay madasha amniga ee Shangri-La Dialogue ee Singapore.
Hindiya iyo Pakistan waxaa dhex maray dagaal afar maalmood socday bishan, iska hor imaadkoodii ugu xumaa tan iyo 1999-kii, ka hor inta aan la gaadhin heshiis xabbad-joojin ah 10-kii May.
Hindiya waxay sheegtay in in ka badan 100 "argagixiso” lagu dilay "weeraradeedii saxda ahayd” ee ay ka fulisay dhowr xero oo argagixisanimo oo ku yaalla Pakistan, taas oo diiday Pakistan, iyada oo sheegtay in in ka badan 30 qof oo rayid ah oo Pakistan ah lagu dilay weerarrada Hindiya.
Dhanka kale, New Delhi, ayaa sheegtay in ku dhawaad labaatan qof oo rayid ah lagu dilay dhanka Hindiya, kuwaas oo intooda badan lagu dilay Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, ee ku teedsan xuduudka lagu muransan yahay.
Dagaalka u dhexeeya labada quwadood ee Nukliyeerka ah ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa Pahalgam oo ka tirsan gobolka Kashmiir ee Hindiya ay maamusho 22-kii April, kaas oo ay ku dhinteen 26 qof oo ku dhawaad dhamaantood ahaa dalxiisayaal. New Delhi waxay Pakistan ku eedaysay inay taageerto kooxda hubaysan ee ka dambaysay weerarka, eedaymahaas oo ay Islamabad beenisay.
Intii ay dagaalameen, Pakistan waxa ay sidoo kale sheegtay in ay soo ridday ugu yaraan shan diyaaradood oo milatariga Hindiya ah , oo ay ku jiraan ugu yaraan saddex ka mid ah nooca loo yaqaan Rafale. Laakiin Chauhan ayaa Sabtidii meesha ka saaray isaga oo ku tilmaamay "gebi ahaanba khalad”, wuxuu se xaqiijinaya in waddankiisu uu lumiyay ugu yaraan hal diyaarad.
Waxaan u maleynayaa in waxa muhiimka ahi ma aha in diyaaradda la soo rido, laakiin sababta ay u soo dhacday,” ayuu u sheegay Bloomberg TV wareysi gaar ah isaga oo jooga Singapore.
May 11, maalin ka dib xabbad joojinta, Air Marshal AK Bharti ee Hindiya ayaa wariyeyaasha ugu sheegay New Delhi in "dhammaan duuliyayaasheenii ay dib ugu soo laabteen guryahoodii”, isaga oo raaciyay "waxaan ku jirnaa xaalad dagaal, khasaarahana waa qayb ka mid ah dagaalka”.
Chauhan wuxuu sheegay Sabtidii in Hindiya ay beddeshay xeeladaha ka dib markii ay khasaare ka soo gaadhay hawada maalintii ugu horreysay ee iskahorimaadka oo ay keentay faa’iido muhiim ah.
"Sidaas darteed waxaan saxnay xeeladaha ka dibna dib ugu laabanay [May] 7th, 8th iyo 10th tiro badan si aan u garaacno saldhigyada hawada gudaha Pakistan, waxaan galnay dhammaan difaacyada hawada iyaga oo aan ciqaab lahayn, waxaan qaadnay weerarro sax ah,” ayuu yidhi.
Islamabad ayaa beenisay in ay wax khasaare ah ka soo gaadhay diyaarado balse waxa ay qiratay in saldhigyadeeda ay la kulmeen weeraro, inkasta oo khasaaruhu uu yaraaday.
Chauhan ayaa sidoo kale sheegay in inkasta oo Pakistan ay xulafo dhow la leedahay Shiinaha, oo xuduud la leh Hindiya waqooyiga iyo waqooyi-bari, ma jirin wax calaamad ah oo gargaar dhab ah oo ka yimid Beijing intii lagu jiray iskahorimaadka.
"Intii ay tani soo shaac baxday laga bilaabo [Abriil] 22-keedii wixii ka dambeeyay, kama aanan helin wax dhaqdhaqaaq ah oo aan caadi ahayn oo ku saabsan qoto-dheeraanta shaqada ama taatikada ee xudduudahayaga woqooyi, arrimuhuna guud ahaan way saxnaayeen,” ayuu u sheegay Reuters.