"Caawimo ha Sugin ee Ciiddaada Qodo" :Faallo

Wednesday May 28, 2025 - 09:37:09
hadhwanaagnews
Waxaad arkaysaa dhul daaqsimeedyo la kala ootay



Guud ahaan caalamka aynu ku nool nahay waxaa ka socda isbedello colaadeed iyo xaalado aan la saadaalin karin oo ay sababeen dagaalka laba jirsaday ee Yuhuudu ku hayso Qasa iyo dhulka Falastiin iyo dagaalka kale ee kaba sii horreeyay ee u dhexeeya Yugrayn iyo Ruushka.

 

Dagaaladaas oo sadex sano hadda maraya isla markanaa adduunka ku keenay kala xidh xidhnaan iyo in dalalka adduunka mid kastaaba dhankiisa isugu tashado oo uu ku fekero siday umad iyo dal ahaan u noolaan lahaayeen haddii colaadaha socdaa sii fidaan ama isu socodka dunida saamayn ku yeeshaan.

 

Waxaan ogsoonnahay in hadda dalalka Yurub ay ku jiraan xaalad ay ku kaydsanayaan cunto sanado badan ay dadkoodu cunaan si ay uga sii gaashaantaan xaaladda colaadeed ee maanta dunida ka taagan.

 

Haddaba umadeena Somaliland oo wax kasta oo aynu cunno dibed kala soo degta maxaa uga meel yaalla go’doonka caalamku galayo iyo dhigashada kaydad muddo lagu noolaado.

 

Haddii dunidu ay sii kaydsanayso maanta cunto ay muddo badan kusii noolaadaan inaganuna aynu ka oomman nahay waxsoosaarka dalagyadeena isla markaana dhul beereedkeenii aynaan waxba kala soo baxayn ma is waydiinay sidii aynu u sii noolaan lahayn ama aynu usii jiri lahayn?

 

Dawlad iyo shicib umadda reee Somaliland maxaa uga meel yaal haddii bad xidhan dunida ku yimaado oo Markab iyo doon midna soo geli waayaan biyo badeedkeena isla markaana la waayo hal gaadiid badeed oo dekedaheena yimaadda oo kiish raashin ah sida.

 

Maanta waxaan ogsoonahay in toonta raashinka lagu daro ay dibedda la inooga soo degto isla markaana wax kasta oo aynu cunno dibed kala soo degno,iyadoo aynu haysano dhul beereed dihin oo RABBI inoogu deeqay iyo cimilo ku wanaagsan wax beeriska hadana in toonta shiinaha laga keeno magaalooyinkeena iyo miyigeenaba lagu isticmaalo waxay muujinaysaa sida aynaan diyaar ugu ahayn in aynu umaad ahaan usii jirno.

 

Markasta xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland markasta waxay yidhaahdaan waxsoosaarka beeraha aynu xoogga saarno laakiin hadal ayay ku dambaysaa arrintaasi.

 

Markasta waxaynu ku doodnaa aqoonsi haddaynu helno wax badan ayaynu qabsan lahayn,hadda beertaada aqoonskugu kuuma falayo laakiin tacabku wuxuu ku jiraa adiga maankaaga iyo gacantaada.

 

Haddii aynu higsanayno dunida oo aynu doonayno in aynu qayrkeen wax la qaynsano horta aynu nafteena cuntadeeda meel ku tiirino oo aynu yeelano waxsoosaar cunto oo ugu yaraan daboolno baahideena cunto haddii aynaan soo saari karayn in aynu ku hamino in aynu dunida u iibgayno dagalyadeena.

 

Bulsahda Somaliland uma muuqato in ay yool dhammaystiran ka leedahay sii jiritaankeeda nololeed sababtoo ah waa dadka keliya ee laga iibiyo findhil dollar ku jooga taasima waxay muujinaysaa in aynu diyaar u nahay in bad xidhanka koobaad ba aynu qaylino oo aynu caalamka cunto waydiisano.

 

Haddaba bulshada Somaliland dawlad iyo shicib ba hala kala doorto in la inoo dawaro oo aynu caawimo caalamka waydiisano iyo in aynu nolosheena ku filnaano.

 

Waxaad arkaysaa dhul daaqsimeedyo la kala ootay oo lagu sheegayo dhul beereed iyadoo aanay jirin wax ka baxa oo aan ahayn doogga xilli roobaadka ka soo baxa.

 

Waxaa kale oo xukuumadda ku waajib ah in ay dhiiri geliso waxsoosaarka beeraha oo ay ku abaal mariso cid kasta oo dhul beereedkeeda wax kala soo baxda kana soo saarta dagalyo cunto.

 

Waxaa kale oo xukuumadda looga baahan yahay in ay suuga ganacsiga u ilaaliso beeralayda oo marka ay dagalyo soo saaraan ay ka joojiso raashinka ay hay’aduhu keenaan ee ay kusoo began xiliga dalaygada beeralaydeenu soo go’aan ugu yaraanna waa in hay’adaha lagu qasbaa raahinka ay qaybinayaan in ay ka iibsaaan beeralayda dalka si kor loogu qaado wax soosaarka dalka isla markaana aanay u niyad jabin Beeraaydu una sii kordhiyaan waxsoosaarkooda.

 

Haddii aynaan isku Tashan oo aynaan tacab la iman isla markaana aynaan maarayn nolosheena waxkasta oo Kale oo aynu ku naaloonaa waa toobal caaro aynaan lahayn.

 

Maanta halka dunidan sii kala go’doomaysaa ay maraysona cidda tabcata ayaa nolosheeda maarayn karaysa isla markaana dunida la tartami karaysa.

 

Bulshoyahay Somaliland caawimo ha sugine ciidaada qodo

     
Loading...