Wax la dhowraba Waa'sani ma Beryey.

Friday May 02, 2025 - 17:18:33
hadhwanaagnews
Waa mide, ta Madaxweynaha Jamhuuriyada Barakaysan Mudane



Waxa ay ahayd Dhawaan markii Xisbiga talada haya ee Wadani uu Ku Boqol cisho jirsaday hogaanka Dalka.

Waxa laysku raacsan yahay in mudadii yarayd ee koobnayd ee Boqolka Cisho ahayd, uu qabtay Xisbi xaakimka Wadani arimo badan, se laba Arimood ayaa jira oo soo jiidasho leh, Arimahaas oo ah qaar Ku Ugub ah Siyaasada Jamhuuriyada Barakaysan.

Labadaa Arimood oo ay Kala dhigeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Barakaysan Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), iyo Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Barakaysan Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi .

Waa mide, ta Madaxweynaha Jamhuuriyada Barakaysan Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxa ay ahayd kulankii ugu horeeyey ee uu Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan uu Ku Tago golayaasha Qaranka isaga oo Ku Ajiibay goobtaa ama Ku tegay qaab ugub ah oo Ka duwan qaabkii Madaxweynayaashii Ka horeeyey ay Golahaa Ku tagi jireen, waayo Taariikhda waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne Qaran uu golaha tago isaga oo aan wadan Durbaano iyo Haween.

Waayo Xukuumadihii Ka horeeyey marka uu Madaxweynuhu tago golaha, si uu uga jeediyo qudbad sanadeedkiisa, waxa aad moodi jirtay in Goluhu Noqday goob Aroos Ka socdo Mashxarada Golaha Ka baxaysa, ama aad is odhanaysay Golaha Ma Sitiyo-Faadumo ayey Haween Ku tumanayaan, Durbaanada iyo sacabka Haweenka ee golaha Ka dhici jiray awgeed!.

Hadaba Waxa aan Ku hanbalyeynayaa Qaabkan San ee Ugubka ah ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu Ku Ajiibay Qudbad Sanadeedkiisii ugu horeeyey ee Golayaasha, runtiina waxa ay ahayd Qudbad Hufan oo Miisaanan oo Toolmoon oo Ku Jaan go'an Xaqiiqo iyo Fikir Horumar leh, ee Mudane Madaxweyne kaa Geysan ee Awguuriyo.

Arinka kalana waa Arinkan Ugubka Ku ah isna Siyaasadeena ee uu Dhigay Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Barakaysan Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi, yaalaa waxa lagu yaqaanay Madaxweyne Ku xigeenadii Xukuumadihii Hore ee Jamhuuriyada Barakaysan kuwo aan Muuqan oo Siyaasada Dalka ay Ka Gacmo laabnaan jireen oo aan faro gelin jirin waxa Dalka Ka socda si qayaxan iyo si Dadban toona, oo haba yaraatee Saamayn Ku lahayn waxa Dalka Ka socda, oo Booska Madaxweyne Ku xigeenku uu Ahaa Boos Waraabe u taag ah, aan saamayn Siyaasadeed lahay, Marka laga reebo Maqas xadhko lagu Gooyo ama jaro oo igu Sawir ahaan jiray, inkastoo taa laftigeedana lagala wareegey Madaxweyne Ku xigeenada mararkii danbe.

Hadaba Ta uu Dhigay Maanta Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Barakaysan Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi ayaa ah Dhacdo Ugub ah, oo Madaxweyne Ku xigeen Dalka soomaray aanu weli samayn.

Taas oo ah Shaqaaqooyinkii gobolada Bariga Jamhuuriyada Barakaysan Ka dhacay, taas oo Saamaynteeda lahayd, Se Illaahay shinbir uga soo dhigay Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Barakaysan Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi. Isaga oo U guntaday iskala Soocii iyo iskala qaybintii soo wajahday Qaranka, isaga oo Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi uu guntiga dhiilka iskaga Dhigay isga oo kaashanaaya Shacabka Jamhuuriyada Barakaysan ee Dunta Dahabka ah ee uu Madaxweyne Ku xigeenka uu u yahay, isaga oo U Dhabar adaygey siduu uga gun gaadhi lahaa hawsha uu u Jeeni-qaartay ee uu guntiga Dhiilka iskaga Dhigay, isaga oo Uursamaantiisa, Dulqaadkiisa iyo Xilkasnimadiisa, Guule uu u Rumeeyey Hawshuu u tafo xaytay, isaga oo dib U wada qarameeyey tafaraaruqii Ka dhashay gobolada Bariga uuna Ka dhigay Hal Ciidan iyo Hal Qaran, Runtii waa wax uu Ku Amaananyahay habka qarankii uu u Mideeyey, sidoo kalana waa mid Muujinaysa inuu yahay Masuul Xil Kas ah oo Ka Midho Dhalin kara hadafkiisa iyo waxa uu u Jihaysto ee uu u Jeeni-qaarto, mar walbana waa mid uu Ku Amaananyahay kuna Amaananaan doono qaabka uu qarankii Dib uu u Mideeyey.

Mudane Maxamedow Hal aan yarayn ayaad u tafo Xaydatay Alle na wuu kugu guuleeyey Alle mahadi haka gaadhee, ta Aad dhigtay Madaxweyne Ku xigeen Taariikhda dhigay ma jiro ee Qaranku wuu kugu mahadinayaa ee Awguuriyo Mudane Madaxweyne Ku xigeen.

Waxa aan kusoo afmeerayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Barakaysani waa laba Masuul oo Dalka loowada igmaday oo Bisil oo xilkas ah oo Fiiro dheer, oo wax ladhowraba ah, Waa'san oo wadankeena u Baryey ee Hanbalyo.

 

Mudanayaal sidii laba gacmood

Wada-jirkiina-Wada.

khadar/Qadar Hooyoley.

Qadar N <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...