Waxaan uga Digayaa Ciidamada Xeebaha in social Media-ha ay u Isticmaalaan si Khaldan" Sarreeyo guuto Axmed Hurre Haariye..

Thursday April 10, 2025 - 13:34:17
hadhwanaagnews
Axmed Hurre Haariye oo Arimahaasi ka hadlayayna...



Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Sarreeyo guuto Axmed Hurre Haariye ayaa sheegay in ay bilaamatay Diwaangalinta Ciidanka ilaalada xeebaha.

 

Sarreeyo guuto Axmed Hurre Haariye ayaa ugu baaqay Ciidanka Ilaalada xeebaha in ay la shaqeeyaan kooxaha ka shaqaynaya diwaangalinaya Ciidanka.

 

Axmed Hurre Haariye oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Maanta shalay waxa bilaabmay diwaangalintii iyo casriyayntii Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxa uu si buuxda uga qaybqaadanayaa ciidanka Ilaalada xeebaha Diwaangalinta Ciidamada oo uu qayb ka yahay.sidaa darteed awaamiirta waanu siinay Ciidanka,waxaana aan ku baraarujinayaa in si wadaniyada oo ciidan nimo loola shaqeeyo kooxaha ka shaqaynaya diwaangalinta Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland.

 

Sidoo kale Sarreeyo Guuto Axmed Hurre Haariye ayaa waxa uu uga digay Ciidanka ilaalada Xeebaha in ay si khaldan u isticmaalaan social Media.Waxaana uu yidhi”Baryahan dambe waxa si khaldan loo isticmaalaa Social Media.waxa Ciidamada leeyihiin shuruuc iyo qawaaniin.sidaa daraadeed Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland,waxa aan uga digayaa in social Media u isticmaalaan si aan munaasib ku ahayn Ciidan nimada. xil kasta oo uu hayo askariga waxa ka mumnuuca in social Media si khaldan loo isticmaalo muuqaal ahaan iyo ficil ahaanba

     
Loading...