Ibn Cabbaas (rc) wuxuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu yidhi: ‘ Dadbadan ayaa ku hodma oo aan waxba ka faa’idinlabo nicmo; ookala ah caafimaadiyo Fursadda ay haystaan. (Bukhaari)
Sidaa awgeed waa in wakhtiga aad uga faa’iidaysto Aakhiradaada iyo aduunayadaba.
Waxaa aad u xanuunsaday nin ka mid ah muslimiintii taabiciyiinta, waxaana soo booday hooyadii, markaasi ayuu is qurxiyay oo cadarna isku shubay isagoo aad u xanuunsanayay si aanay hooyadii uga nixin ayuu haddana istaagay. Markii ay hooyadii ka baxday ayuu is taagii ku dhacay. Waxa lagu yidhi maxaa aad sidaa u samaysay oo aad isu dhibtay adigu aad u xanuunsanay.
Waxaana uu ku jawaabay "Taaha ilmaha ayaa dhiba waalidka”. Waalidkuna wax kasta oo uu awoodo oo wanagaasan kuuma diidayo.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!