Dalka Turkiga Waxa La sheegay in uu Kulan ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kuwaas oo labadooduba u sharaxan Jagada Madaxweynaha Soomaaliya ee Sanadka soo socda.
Labadan siyaasi oo isku Deegaan ah ayaa Kulankoodu ahaa sidii uu midkood u noqon lahaa Murashax iyada oo kan kalena uu tanaasulayo.
Raysal Wasaarihii Hore ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ogolaaday in uu ka hadho tartanka isaga oo u tanaasulay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo u taagan Doorashooyinka Soo socda.