Somalia oo Xabsi Ka Dhisaysa Duleedka Laascaanood,

Monday March 03, 2025 - 13:30:41
hadhwanaagnews
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ka dhisaysa duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo la filayo inuu qaado in ka badan 200 oo maxbuus.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu maalgelinayo dhismaha xabsigan, taasoo keentay in arrintaasi dood dhaliso, maadaama Laascaanood ay ka mid tahay deegaanada aan sida toos ah u hoos iman maamulka dowladda federaalka Somalia.

Talaabadan ayaa loo fasiran karaa in Soomaaliya ay si toos ah ugu lug yeelaneyso xaaladda Laascaanood, taasoo sii hurin karta xiisadda ka taagan Laascaanood.
     
Loading...