Dhaqaale-xumo lama filaan ah oo ku dhacday Maraykanka, Heerka GDP oo hoos u dhacay.

Sunday March 02, 2025 - 20:54:14
hadhwanaagnews
Sidoo kale, bilihii hore, xogta baanka ee GDPNow waxay saadaalinaysay



Dhaqaalaha Maraykanka ayaa si tartiib ah u sii xumaanaya bilowgii sanadka 2025, taasoo xaalada ka dhigaysa mid aan u wanaagsanayn madaxweyne Donald Trump, oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad January 20-keedii.

Waxaa la filayey in GDP-ga Maraykanku saddex biloodkii hore ee sanadka (Q1 2025) uu kobco 2.3%, balse xogtii ugu dambeysay ee Baanka Dhexe ee Atlanta (Atlanta Fed) waxay muujisay in GDP-gu hoos u dhacay oo uu noqday -1.5%. Hoos u dhacan ayaa ka dhigan in dhaqaaluhu halkii laga filayey inuu kobco, uu hoos u dhacay.

Sidoo kale, bilihii hore, xogta baanka ee GDPNow waxay saadaalinaysay in koboca dhaqaalaha uu noqon doono 3.9% saddex biloodka hore ee sannadka 2025, balse xogaha cusub ee ka soo baxay Waaxda Ganacsiga ayaa meesha ka saarey sadaashii hore.

Warshadaha, ganacsatada, iyo suuqyada maaliyadda ayaa si dhow ula socda xaaladdan, iyadoo sare u kaca sicir-bararka iyo siyaasadaha cusub ee Madaxweyne Trump ay sii kordhinayaan walbahaarka dhaqaalaha.

Isbeddelkan kediska ah ayaa yimid kadib markii hoos u dhac ku yimid wax iibsiga macaamiisha iyo korodh ku yimid farqiga ganacsiga ee dhoofinta iyo soo dejinta Maraykanka. Bishii January, ganacsiga Maraykanka wuxuu galay khasaare gaadhaya $153.3 bilyan, iyadoo alaabaha la soo dhoofiyay ay kordheen $34.6 bilyan, halka dhoofinta ay kaliya korodhay $3.3 bilyan.

Inkasta oo inta badan cashuuraha cusub ee ganacsiga Trump aysan wali dhaqan gelin, haddana shirkadaha iyo macaamiishu waxay durba bilaabeen inay alaabtooda kaydsadaan si ay uga hortagaan sicir-bararka suurtogalka ah.

Taasi waxay horseeday korodh ku yimid dalabka alaabaha la soo dhoofiyo, balse guud ahaan dhaqaalaha waxaa soo foodsaaray hoos u dhac.

Sida ay sheegtay Lydia Boussour, oo ah xeel-dheere dhanka dhaqaalaha ka ah shirkadda EY, "Xaaladda dhaqaale ee Maraykanka waxaa hadheeyay hubanti la'aan ka dhalatay siyaasadaha canshuuraha, xakamaynta kharashaadka dowladda, iyo xeerarka cusub ee ganacsiga."

Daraasado kale ayaa muujinaya in suuqyada shaqadu ay sidoo kale la ildaran yihiin cadaadis shaqo la'aan. Dacwadaha shaqo la’aanta ayaa sare u kacay, iibka guryaha oo hoos u dhacay, iyo kalsoonida macaamiisha oo wiiqantay sababo la xidhiidha cabsi laga qabo sicir-barar ka dhasha cashuuraha cusub ee Trump.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada dhaqaalaha ee JPMorgan waxay yiraahdeen hoos u dhacan GDP-ga ah ma ahan calaamad rasmi ah oo muujinaysa in Maraykanka galay dib u dhac dhaqaale (recession). "Wali lama gaadhin heer aan ka naxno," ayay yiraadheen.

Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay khamiista soo saarto warbixinta toddobaadlaha ah ee shaqo la’aanta, halka Jimcahana la filayo warbixinta shaqaalaha bishii hore.

Torsten Slok, oo ah madaxa dhaqaalaha ee Apollo Management, ayaa sheegay in dhaqaalaha Maraykanka uu wajahayo cadaadis dhaqaale oo aan aad u xoog badnayn, balse aysan weli muuqan calaamado muujinaya in uu si rasmi ah u galay dib u dhac dhaqaale.

Iyadoo dhaqaalaha Maraykanka uu wajahay isbeddel lama filaan ah, haddana khubaradu waxay saadaalinayaan in bilaja xiga ay suurtagal tahay in dhaqaaluhu dib uga soo kabto. Waxaa la eegi doonaa sida sicir-bararka, shaqo la’aanta, iyo xeerarka cusub ee Trump ay u saameyn doonaan suuqyada ganacsiga iyo nolosha guud ee shacabka Maraykanka.

     
Loading...