Geed Soomaalia kabax oo Laga Helay Daawo Dabiici ah oo Ka Hortagta Kansarka!

Thursday February 06, 2025 - 02:00:44
hadhwanaagnews
Maxay Tahay Faa'iidadeeda?



Cilmi-baaris cusub oo ay si wadajir ah u sameeyeen Jaamacadda Gobolka Georgia, Machadka Georgia State’s Perimeter College, Jaamacadda Addis Ababa, iyo Xarunta Winship Cancer Center ee Jaamacadda Emory ayaa daaha ka rogtay in geed Beeyo (Commiphora sp. Nov), oo ka baxa Soomaaliya iyo Itoobiya, uu leeyahay awood lagu daweyn karo kansarka, gaar ahaan midka ku dhaca ilmo-galeenka!

Sidee Ayaa Loo Ogaaday?

✅ Cilmi-baarayaashu waxay baareen afar dhir ah oo ka tirsan qoyska Beeyada.

✅ Waxay ogaadeen in dhirtaasi leeyihiin maaddooyin dabiici ah oo si toos ah u burburin kara unugyada kansarka.

✅ Tijaabooyin lagu sameeyay shaybaarka ayaa muujiyay in maaddooyinkaas ay si gaar ah u bartilmaameedsan karaan unugyada xun ee jirka, iyagoo aan waxyeello u geysan unugyada caafimaadka qaba.

Maxay Tahay Faa'iidadeeda?

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...