Madaxweyne CIRRO oo caddeeyay in Somaliland aysan ka maarmeyn Itoobiya – Sidee?

Tuesday January 21, 2025 - 13:36:51
Hadhwanaagtv
Waxa uu intaas kusii daray "Waajib bay nagu tahay in aannu xidhiidhkaas



Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa si cad u sheegay in Somaliland aysan marnaba ka maarmeyn Itoobiya oo haatan ka dhaxeeyaan dano badan.

 

Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad ka jeedinayay hadhimo sharafeed uu Qasriga Madaxtooyadda ugu sameeyay Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay inay waajib ku tahay ilaalinta xiriirka soo jireenka ah ee Itoobiya.

 

"Itoobiya oo ah saaxiib soo-jireen ah, iyo jaal aynnaan uga marmayn horumarka dhaqaalaha, adkaynta amniga, xasiloonideenna bulsho, iyo xidhiidhkeenna Afrika,” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

 

Waxa uu intaas kusii daray "Waajib bay nagu tahay in aannu xidhiidhkaas sii wanaajinno, faa’iidada uu u leeyahay labadeenna qaranna aanu halka ugu sarraysa gaadhsiinno.”

 

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday madaxweynuhu xiriirka Mareykanka iyo Somaliland oo uu sheegay inuu ku jiro dalalka sida gaarka ah u daneeya.

 

"Waxa aan bogaadinaynaa xildhibaanada reer Mareykan iyo guddidada arimaha dibadda baarlamaanka ee ku baaqaya in Mareykanku uu xafiis diblumaasiyadeed ka furto Somaliland. Waxa aannu mari doonnaa dariiq kasta oo aannu ku sii xoojinayno xidhiidhkaas,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

 

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in haatan ay Somaliland u socdaan xiriiro fiican oo dowladdo badan oo kale, kuwaasi oo uu rajeeyay in miro wax ku ool ahi ka soo baxaan.

     
Loading...