Dab-damiska ayaa wada dadaal dhan walba ah si ay uga hortagaan dabka ugu weyn kaas oo halis ku ah Los Angeles iyo inuu ku faafo mid ka mid ah xaafadaha qaar.
Shaqaalaha hawada ayaa buuraha ololaya ku shubayay biyo si ay u xakameeyaan dabka Palisades, kaas oo kusii ballaartay 1,000 eekar oo dheeraad ah oo hadda khatar ku ah Brentwood.
Dabaylo ayaa la filayaa in ay dib u soo laabtaan habeennimada, taas oo sii hurinaysa ololkii ay hore ugu dhinteen ugu yaraan 16 qof.
Fiidnimadii sabtida xilliga Mareykanka, mas'uuliyiinta degmada LA ayaa ku dhawaaqay in 11 ka mid ah dhimashada loo aaneeyay dabka Eaton iyo shan ka mid ah dabka Palisades.
"Degmada LA waxay la kulantay habeen kale oo argagax iyo qalbi jab aan la qiyaasi karin," ayuu yiri Kormeeraha Degmada Los Angeles Lindsey Horvath Sabtidii.
Dab-damiska ayaa horumar yar ka sameeyay tan ugu daran ee gubasho, Dabka Palisades, kaas oo gubay ku dhawaad 23,000 eekar.
Laakiin saameyntu waxa ay gaartay xaafadda Mandeville Canyon, taasoo keentay in la bixiyo amarrada daadgureynta ee Brentwood.
Sidoo kale aagga daadgureynta waxaa ku yaal Xarunta Getty, oo ah matxaf haysa in ka badan 125,000 farshaxan, oo ay ku jiraan farshaxannada Van Gogh, Rembrandt, Rubens, Monet iyo Degas. Dhismuhu ilaa hadda wax dhibaato ahi ma soo gaarin.
Dabka labaad ee ugu weyn, Dabka Eaton, ayaa baabi'iyay in ka badan 14,000 eekar waxaana la xakameeyay 15%. Dab-damiska ayaa inta badan gacanta ku dhigay dabka.
Laakiin Adeegga Cimilada Qaranka ayaa ka digay in dabaylaha xawliga ah ee Santa Ana ee kor u qaaday dabka bilowgiisii ay mar kale xoogeysan doonaan Sabtida iyo Axadda.
Toddobo gobol oo deriska ah, dowladda federaalka iyo Canada iyo Mexico ayaa gurmad u jooga California.
Ilaa hadda lama sheegin sababta ka dambeysay dabkaasi.
Ilaa 153,000 oo deganeyaal ah ayaa ku jira amarrada daadgureynta qasabka ah iyo 166,000 kale ayaa looga digay inay sidoo kale baxsadaan.
Saamayn siyaasadeed ayaa sidoo kale bilaabatay.
Jimcihii, Barasaabka Gavin Newsom, oo ah Dimuqraaddi, ayaa amar ku bixiyay in la baaro sababta kaydka muhiimka ah uu u shaqayn waayay iyo qaar ka mid ah biyo-mareennada dab-demiska ee qallalay.
Madaxa dab damiska Los Angeles Kristin Crowley ayaa ka cabatay yaraanta.
"Marka uu dab-demiye u yimaado biyo, waxaanu filaynaa inay biyo jiri doonaan," ayay tiri.
Chief Crowley waxa ay sidoo kale weerartay hoggaanka magaalada jarista miisaaniyada waaxdeeda oo meesha ka saartay boosas makaanik ah, taas oo ay sheegtay in ay sababtay in in ka badan 100 dabdamis ah ay shaqayn waayeen.
Sabtidii, duqa magaalada Los Angeles Karen Bass oo lagu dhaleeceeyay joogitaanka Ghana oo uu kaga qayb galayay caleema saarka madaxweynaha dalkaasi markii uu dabku ka kacay Los Angeles Talaadadii, ayaa ka dhawaajisay xiisadda iyada iyo Chief Crowley.
"Aan wax caddeeyo," Bass ayaa ku sheegay shir jaraa'id, "Aniga iyo taliyaha dab-damiska waxaan diiradda saarnay la dagaallanka dabka iyo badbaadinta nolosha, wixii khilaaf ah ee noo dhexeeyana waa mid aan si gaar ah uga shaqeyn doono."
In ka badan 70,000 oo qof ayaa saxeexay codsiga Change.org oo ay ku dalbanayaan in duqa magaalada ay si degdeg ah isu casisho.
Newsom ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inuu laba jibaarmi doono tirada Ilaalada Qaranka ee goobta ku sugan si "loo ilaaliyo ammaanka bulshada", iyadoo la geynayo 1,680 askari.
Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay kororto marka guri guri loo baaro.
bbc/somali