Maxay tahay xeeladaada akhrisku, markaad bilowdo inaad akhrido buug?

Wednesday January 01, 2025 - 13:09:43
Hadhwanaag
Inta badan waxaa aan isku arkaa , aniga oo dib u eegaya


Waxa igu horreeya ee aan samayn doono marka aan buug akhrinayo, waa akhris degdeg ah oo aan ku dulmaro gabihaantiiba.

Habkan dulmarka ah, waxaa aan ka helayaa oo ii caddaanaysa, meesha ay qodobbadda muhiimka ahi ku jiraan, meesha aan u malaynayo in aan u baahannahay in aan ku hakaddo iyo waxa muhiimka ah ee ay tahay in la qoro.

Sidoo kale marar badan ayaan ku hakan doonaa tudducyadda muhiimka ah ama dib ayaan u akhrin doonaa isla markaaba, si aan si buuxda u fahmo waxa qoraagu isku dayayo in uu sheego.
si kastaba ha ahaatee, akhrinta kowaad kaddib waxaan go'aamin doonaa in buuggagani yahay mid qiimo leh oo ay tahay in aan dib u akhriyo iyo in aannu ahayn. Haddii uu noqon waayo mid u qalma, waan iska dhigaa una gudbaa mid kale.

Haddii uu noqdo dhigane qaayo leh, waxa aan soo qabsadaa buugayga xasuusqorka( notebook) waxaa aan u gudbaa tudducyadda xiisaha leh, aniga oo wax uga qoraaya sidii in imtixaan la igaga qaadayo oo kale.

Xeeladdani waxaa ay ii badbaadisay saacado tiro la'aan ah oo aan akhriyi lahaa buugaag aan tayo lahayn oo ayna ku jirin inyar oo aqoon ihi, sidoo kale ,tani waxaa ay isiisaa in aan buug kasta oo aan kor u qaado ka helo fikrad fiican.

Inta badan waxaa aan isku arkaa , aniga oo dib u eegaya qaar ka mid ah buugaagta aan iska dhigay , bilo kaddib; Waxaa aan ka helaa qodobbo muhiim ah , oo aanan arag markii hore.
Ogow in aannad mar walba diyaar u ahayn in aad buug akhrido, in aannad buug walba dhammayn, inta badana ay fiican tahay in aad hore u socoto.

Sidoo kale ha dareemin inaad u baahan tahay, inaad akhrido saddar kasta si taxaddir leh… wax badan seegi maysid.
Waxaa aan ka helaa 80% ilaa 90% nuxurka buugga ku jirta, marka aan adeegsaddo xeeladdan; waxa ayna i dhaxalsiisaa in aan amminta ugu dhakhsaha badan ku dhammeeyo; waqti badan oo iga lumi lahaana uu ii badbaado.

Maxammad Haybe Axmed
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...