Dawlad degaanka Isaaqoow madxwayne u doonta. Abdiaziz Ese

Sunday December 29, 2024 - 18:07:59
hadhwanaag
Saddex talo ba waa idiin bannaanyihiin ta aad yeeshaan baa se furan.


Ku: Ganacsatada , Aqoonyahanka iyo Madaxda dhaqanka Beelaha Reer Sh. Isaxaaq Gaar ahaan (Maxamed Abokor, Garxajis , Arab iyo Sacad Muuse).

Fursadda aad ku meel marin kartaan Masiirka Umadda Ku nool dhul weynaha Hawdka ee raacsan dalka Itoobiya maanta ayay taagantahay maalin kale se ma ogi.

Saddex talo ba waa idiin bannaanyihiin ta aad yeeshaan baa se furan.

1.In aad Ismaamul deegaan gaar ah u raadisaan dadkaas ka qatan Horumarka iyo dawladnimada ee cagajuglaynta iyo u dawladaynta lagu hayo muddada dheer.

2. In aad si toos ah u hoos geysaan Dawladda Federalka oo aad ka yeeshaan sida Diridhaba iyo Herer oo kale.

3. In aad Maamulka fadhigiisu Jigjiga yahay gaadhsiisan dadkan heer ay Xilalka ugu sarreeya ee heer Madaxweyne hawaysan karaan oo ay talada Deegaanka Soomaalida Saamayn muuqata ku yeeshaan iyaga oo Awood iyo badhitaar ka heleya Beelaha Direed ee Dalkaa Alle ku beeray iyo Soomaalida kale ee Duudsiga Siyaasadeed ku jirta.

Intaas haddii aad yeeli waydaan waxa ay noqonaysaa uun in aad dadkaas ugu taliseen in ay 100 ka sanno ee soo socda sidoodaas iska ahaadaan , sidee?
-Bilaa horumar Dhaqaale (Infrustructure , Waxbarasho iyo Caafimaad).
-Bilaa horumar Siyaaaadeed (Bilaa Gobol , bilaa Metelaad , Bilaa Degmooyin iwm).

* Degmooyinka Gaashaamo , Darroor , Xarshin , Harta Sheekha , Gorgor iyo Wajaale (Ethiopia) waxa ay ka koobanyihiin ugu yaraan 340 tuulo (qabalee) Bedka ay ku fadhiyaanna waxa uu ku dhawyahay 25,000kmĀ² (waa dhul aad ugu baaxad dhow dalka aynu deriska nahay ee Djibouti guud ahaan)

* Tirada dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad Nus Milyan (500,000) oo qof (waxa ay 4 jeer ka dad badanyihiin Dawlad deegaanka Gambella ee ku yaalla Galbeedka Ethiopia oo ay ku noolyihiin ugu yaraan 100,000 oo qof.

* Dadka u dhashay Degmooyinkani waa dad rural Community ah noloshoodu ku tiirsantahay 80% Xoolaha nool , halka 14% ay yihiin Beeralay ,halka ku dhawaad 6% ay yihiin Xoolo6 dhaqato beeralay.

W/Q: Abdiaziz Ese Dacar
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...