Tahriibayaal reer Somaliland ah oo ka kooban 31 dhallinyaro ah ayaa dalka dib loogu soo celiyay, kuwaas oo dhibaatooyin iyo tacadiyo badan kala kulmay Magafaha iyo jeelashii ay ku jireen.
Soo celinta dhallinyaradaas waxaa iska kaashaday xukuumadda Somaliland iyo Hay’adaha NDRA, IOM iyo UNHCR, kuwaas oo ay shalay dalkoodii Hooyo dib loogu soo celiyay.
Agaasimaha waaxda soo noqdeyaasha iyo socotada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdiraxmaan Abshir oo madaarka ku soo dhaweeyay Tahriibayaashan reer Somaliland ayaa sheegay inay dhibaato badan kala kulmeen dalka Liibiya isla markaasina tacadiyo loogu gaystay goobihii ay ku sugnaayeen.
Agaasimaha ayaa sheegay inay dhallinyaradan qaar badani ay muddo dheer ku xidhnaayeen jeelasha dalka Liibiya, halkaas oo ay ku mutaysteen rafaad badan iyo silic, balse markii danbe ay iyagu si iskood ah u go,aansadeen inay dalka dib ugu soo laabtaan.
Agaasimaha ayaa u mahadceliyay Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee kala qayb qaatay soo celinta dhalinyaradan ku xayirnaa jeelasha dalka Liibiya.
Dhankood Tahriibayaashan dalka dib ugu soo laabtay oo ka dareen celiyay soo noqoshada dalkooda Hooyo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo laabtaan, waxaanay ka warameen dhibaatooyinkii ay kala kulmeen Tahriibka iyo jeelasha dalka Libiya waxaanu yidhi
"Waxaan ku faraxsan nahay in aan dalkayga Hooyo dib ugu soo laabto, haddii aan arkay jawiga dalkayga waa Alxamdullilah, dhalinyarada imika hamigooda galiyay inay Tahriibaan waan ku waaninayaa inay dalkooda Hooyo aaminaan, anagaba rafaad iyo silic ayaa noo soo dhamaaday”.
Gebo’gabadii maaha markii ugu horraysay ee Tahriibayaal u dhashay Somaliland dalka dib loogu soo celiyo, balse marar badan ayaa Xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa Hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca socdaalka dib dalka ugu soo celisay muwaadiniin ku xidhnaa jeelashada dalka Libiya.