Buuqa Iyo Qayladii,Booyay Xasan Sheekh,Bada May Ahayn.

Saturday December 14, 2024 - 13:56:52
hadhwanaagtv
1-Baroortu Way Ka Weynayd,Biixiba Bad Bixiyay,



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

1-Baroortu Way Ka Weynayd,Biixiba Bad Bixiyay,

Baraaruga Haddeertaba,Waa Kaas Badheedhe,


 

2-Budhcadow Gurguurtaan,Maal Bixinin Eebahay,

Beysteyna Dhaafaynin,Barakiciyay,Reer Xamar.


 

3-Baadhanaaya Midkee,Xabaalahana Kala Baxaya,

Beer Baryaanu Reebayno,Berberaan U Baqaya.


 

4-Belaayadan Inagu Maran,Butlaanba Iska Reebto,

Madooba U Babac Dhigaye,Waa Loo Badheedhaa.


 

5-Baratayoo Aduunyaduba,Boogtiisay Ogaataye,

Baru Ku Dhunto Ma Lahe,Birta Maydin Marisan.


Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...