Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha La-doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ku ammaanay sidii kal-furnaanta lahayd ee ay isugu hanbalyeeyeen natiijadii doorashada ee dalka ka qabsoontay.
Taliyaha ayaa sidoo kale ciidamada ku boggaadiyay kaalintii ilaalinta amniga iyo nafhurnimaad lahayd ee ay ka qaateen qabsoomidii doorashooyinkii dalka ka dhacay 13-kii November.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay werwer ka qabeen doorashadii isku sidkaneyd ee dalka ka dhacday, balse taasi badalkeedii ILAAHEY ka dhigey mid ku qabsoontay nabadgelyo iyo wax lagu farxo.
Geesta kale taliye Taani ayaa ku ammaanay xisbiyada Qaranka, ururada bulshada, culima Awdiinka, iyo bulshada sidii ay uga qayb qaateen qabsoomidii doorashooyinkii dalka ka qabsoomay.
Waxaanu yidhi."Guddida doorashooyinku way ku mahadsan yihiin hawshii ay dalka qabteen ee adkayd, waanu uga mahadnaqayna, ururada bulshada iyo culima awdiinka ayaa qayb ka qaatay qabsoomida doorashada.
Ciidamada qabsoomidii doorashooyinka qab weyn ayay ka qaateen oo meel walba ha joogaane sidii waajibku ahaa ayay hawlahooda u guteen.
Doorashada wax badan ayaanu ka fileynay, tallow maxay noqon ayaanu lahayn, tallow maxay ku danbeyn ayaanu lahayn, werwer badan ayaanu qabnay, sidii aanu fileynay si ka fiican ayuu ILLAAHEY ka dhigey, waana sharaf u soo korodhay Somaliland, dalalka jaarkeenana aynu kaga duwanahay, waa wax qiimo weyn leh oo aynu innagu leenahay in madaxweynayaasha xilka isku wareejinaya ay isku haneeyaan.
Waxaan aad ugu mahadnaqaya bulshada Somaliland ee ilaashaday nabadgelyadooda, codkoodiina si nabadgelyo ah u dhiibtay”