Maxkamadda Gobolk Banaadir Oo Soo Saartay Amar Lagusoo Xidhayo Axmed Madoobe

Thursday November 28, 2024 - 01:20:58
Hadhwanaag
"Lama oga sida u uku dhaqan galayo amarka maxkamadeed …"


 


Maxkamadda Gobolk Banaadir ayaa soo saartay amar lagusoo xirayo madaxweynaha dib loo doortay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan .

 

Qoraalka waaranka ah ee kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay maxakammaddu aqbashay codsi kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka , sidaasi daraadeedna ay maxakamaddu fareyso Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto baa la yiri, waa in aad soo qabataa isla markaana aad hor keentid Maxkamadda Gobolka Banaadir eedeeysane Axmed Maxamed Islaan ( Axmed Madoobe ).

 

Qoraalka Maxkamada ayaa ayaa wax kale oo lagu xxusay in Axmed Madoobe uu ku kacay faldambiyeedyo lid ku ah Wadajirka iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed , khiyaano Qaran iyo fal dambiyeed lid ku ah xog lala wadaagay dal shisheeye sidoo kalena u uku kacay faldambiyeed lid ku ah Nidaamka iyo Dastuurka dalka .

 

Lama oga sida u uku dhaqan galayo amarka maxkamadeed iyadoo Axmed madoobe uusan ku sugneyn Muqdisho lagana yaabin in uu yimaado inta uu jiro khilaafka isaga iyo Dowladda u dhaxeeyo.

 

Dhanka kale Axmed Madoobe iyo maamulka Jubaland ayaan weli wax war ah kasoo saarin amarkan maxkamadeed.

 

BBC

     
Loading...