Shaqaalaha ayaa sidoo kale sheegay in Maareeyuhu
Shaqaalaha Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Berbera ayaa maanta shaqo joojin sameeyey kadib markii ay maareeyaha Kaydka Haamaha Axmed Ibraahim Cabdi ku eedeeyeen in uu ka jaray Lacagihii loogu talo galay caafimaadka shaqaalaha marka ay xaalad caafimaad la soo daristo.
Shaqaalaha ayaa sidoo kale sheegay in Maareeyuhu uu u kala eexday shaqaalaha.
Maamulka gobolka Saaxil ayaa ay maanta shaqaalahani u gudbiyeen cabashadood.