Bismillaah Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
1-Aroos Kale U Sacab Tuma,Kuwiiniyo Abaarsaday,
Uhuunta Laysku Raaciyo,Ummadaan Lahayn Talo.
2-Abaal Looma Geli Karo,Amaah Laguma Amino,
Haddii Aad Aradanttiin,Allay Lehe Abaalkiina.
3-Ololii Aydin Geliseen,Odayadaad Lug Goyseen,
Ururadiiniyaa Ridayood,Maanta Eersanaysaan.
4-Arin Xumaanta Awgeed,Eedayntiinan Beelaha,
Aroortaad Ku Cabataan,Eex Iyo Waxaan Jirin.
5-Waa Loo Adkaystaa,Nabaraad Ogsoontahay,
Idinkuun Bay Isu Geystaye,Aamina Natiiijada.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!