"Dhibaatooyinka ay leedahay maamul daadajin la'aantu (decentralization)"

Tuesday October 15, 2024 - 10:37:57
hadhwanaagtv
Somaliland maternal mortality rate ku waa in 396 hooyo

May be an image of 2 people and people camping

Sawiradani waa hooyo laba cisho ku foolanaysay deegaanka cabdi dheere oo ka tirsan oodweyne. Hargeisa waxay u jirtaa 110 ilaa 120 KM. Waxaan kula kulanay diinqal meel u dhow iyadoo NOHA lagaga soo qaaday tuuladeeda 4:15am subaxnimo goorta aan la kulanay waa 8:30am subaxnimo waxay soo socotay ilaa 5 saacadood, intaas oo deegaan ah ee ay soo martay midna malaha goob caafimaad oo si fiican u shaqaysa oo ay ku umuli karto. ninkeeda ayaa na joojiyey anagoo ku socona tuulo aan rabnay in aan u shaqayno isagoo u raba biyo ay cabto gabadhii baan u tagnay oo aan caawinay halkiina waxay ku umushay gabadh yar.
May be an image of 1 person, car and headscarf

Dadku hargeisa kuma wada noolaan karaan oo suuro gal maaha qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu halka uu ku noolyahay uu ku helo adeeg caafimaad oo tayo leh ( Available,Accessible and quality care) sababta oo ah waa Cashuur bixiye.

Somaliland maternal mortality rate ku waa in 396 hooyo ay ka dhintaan 100000 life birth ah.30 sanno iyo ka baddan ayaa waxaynu tayeyn kari la’anay adeega caafimaad ee hooyada iyo dhalaanka.

W/Q Fatima M Jama

#Ruralareahealthcarematter
     
Loading...