"Sooyaalka CABDILAAHI XUSEEN IIMAAN DARAWAL" W/Q Cabdiraxmaan M. Ismaaciil (Yaare).

Tuesday October 15, 2024 - 10:26:14
Hadhwanaagtv
Markii uu soo dhamaaday halgankii hubaysnaa ee SNM Soomaalilaana...


Kornayl Cabdillahi Xuseen Iimaan Darawal wuxuu dhashay sanadkii 1948,wuxuu ku dhashay magaalada Hargeisa, kornaylku markii uu hanaqaaday wuxuu geedigii waxbarashada ka bilaabay dugsiga hoose dhexe ee Axmed Gurey,marka laga reebo Fasalada 3aad iyo 4aad oo uu ku soo qaatay magaalada Berbera, Cabdillahi wuxuu waxbarashada h/dhexe ku dhamaystay isla dugsigii uu ka bilaabay ee Axmed Gurey. Kornaylku waxbarashadiisii dugsiga sare wuxuu ka bilaabay kuna dhamaystay dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeisa.

Mujaahid Cabdillahi markii uu ka baxay dugsiga sare 1970 dawladii kacaanka ayaa u dirtay dal waynihii midawga soofiyeet gaar ahaan magaalada Odesa , sanadkii 1973 ayuu soo laabtay isagoo takhasuskiisu ahaa millitaryga gaar ahaan qeybta madaafiicda wuxuuna dalka ku soo noqday isagoo darajadiisu tahay xidigle.
Shaqadii ugu horaysay ee dhanka ciidanka wuxuu ka bilaabay Baledweyn, maadaama halkaas uu ku yaalay taliska qeybta ciidanka xooga Soomaaliyeed,siddoo kale wuxuu ka soo shaqeeyay Muqdisho, Buulaburde iyo galbeedka gaar ahaan gaaska koowaad, siddoo kale kornayl Cabdillahi wuxuu noqday hoggaan xigeenkii madaafiicda goobta ee ciidanka difaaca Jamhuuriyada Soomaaliya.

Dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Ethopia 1977 wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay guutada koowaad, gaar ahaan qeybta sahanka isagoo ka hawlgalay magaalada Doolow. Markii dagaalka laga soo noqday wuxuu ka mid ahaa saraakiishii fashiliyay inqilaabkii ay hoggaaminayeen Cirro iyo Cabdillahi Yuusuf, fashilintii inqilaabka wuxuu ku helay garaado iyo billado badan.

Sanadkii 1984 kornayl Cabdillahi Darawal, mar kale ayuu dib u bilaabay waxbarashadii dhanka ciidanka gaar ahaan takhususkiisii madaafiicda, dalka Maraykanka ayuu koorso u tagay isagoo dib usoo noqday sanadkii 1986.

HALGANKII SNM IYO DARAWAL.

Kornayl Cabdillahi Darawal wuxuu muddo badan ka mid ahaa saraakiishii Muqdisho joogtay ee sida tooska ah ula shaqaynaysay jabhadii SNM, iyadoo sanadkii 1988 lagu xidhay magaalada Muqdisho 7 bilood ka dib markii uu xabsiga ka soo baxay isaga iyo 9 sarkaal oo kale waxay u tallaabeen Ethopia oo fadhiisimo ciidan ay ku lahaayeen SNM, Kornayl Darawal wuxuu ka mid noqday saraakiishii ugu saraysay ee SNM ee dagaalka xoogan la gashay dawladii kacaanka Soomaaliya, mujaahidku wuxuu ka qeyb qaatay guda galkii Hargeisa isagoo hoggaaminayay ciidankii qaabilsanaa jidgooyada ee fadhiyay inta u dhaxaysa magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera.

SOOMAALILAND IYO MUJAAHID DARAWAL.

Markii uu soo dhamaaday halgankii hubaysnaa ee SNM Soomaalilaana dib ula soo noqotay xornimadeeda, Kornayl Darawal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii dhexda u xidhay in la helo dawladnimo dhamaystiran, Mujaahidku wuxuu la soo shaqeeyay xukuumado kala duwan oo soo maray Somaliland, xukuumadii u horaysay ee uu hoggaaminayay Cabdiraxman Tuur allaa ya raxmee 1991 Cabdillahi wuxuu noqday abaanduulihii ciidanka qaranka isagoo intii uu xilka hayay ku guulaystay in la aasaaso ciidanka qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland ee maanta shacabku ku ladaan,1993 markii uu talada dalka la wareegay madaxweyne Cigaal alle ha u naxariistee waxaa Darawal loo magacaabay agaasimiha guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, sanadkii 1995 ayaa mar kale Cabdillahi Xuseen Iimaa Darawal loo magacaabay Wasiirka Caddaalada, nidaamka caddaalada ee dalka oo waqtigaas aan shaqaynayn waxaa u suurta gashay mujaahidka intii uu ahaa wasiirka caddaalada inuu kor usoo qaado Wasaarada, isagoo yagleelay xafiis u gaar ah Wasaarada oo illaa maanta lagu shaqeeyo iyo dib u dhiskii xabsiga dhexe ee Hargeisa iyo Mandheera. Maadaama uu Cabdillahi uu shaqo walba ka soo dhalaali jiray waxaa dabaayaqadii 1995 mar kale loo magacaabay Wasaarada Gaashaandhiga oo waqtigaas muhiim ahyd iyadoo ay xumadii dagaaladii sokeeye ee Soomaaliland socdeen, Si la mid ah siddii uu wax uga badalay haayadihii dawlada ee uu soo maamulay intii uu ahaa wasiirka gaashaandhiga wuxuu ku guulaystay in si rasmi ah loo soo afjaro dagaaladii sokeeye ee ka socday Hargeisa,Burco iyo Ceerigaabo, siddoo kale waxyaabaha uu qabtay intii uu joogay Gaashaandhiga waxaa ka mid ahaa aasaaska maxkamada ciidamada oo illaa maanta si wacan u shaqaysa, hub ka dhigistii ciidan beeleedkii oo ay u horaysay beeshiisu, yagleelida dugsiyada tababarka ciidanka qaranka Somaliland ee Dararweyne, Sheekh iyo Gorayo-cawl.

Mar kale ayuu madaxweyne Cigaal allaa ya raxmee Darawal u magacaabay Wasaarad kale oo muhiim ahyd, bishii April 1998 ayaa laga dhigay Wasiirka Wasaarada Dib U Dajinta, waxay ahyd shaqo kale oo culayskeeda leh maadaama loo baahnaa in dib u dajin loo sameeyoo dadkii ku barakacay dagaaladii sokeeye, wuxuu ku guulaystay in dib loo soo celiyo qaxoonti badan oo reer Soomaaliland oo ku kala sugnaa wadamada Ethopia, Eritrea, Yemen, Kenya iyo Jabuuti. Ka dib dhimashadii madaxwayne Cigaal 2002 taladii dalka waxaa la wareegay madaxwayne Rayaale oo ay si fiican isula jaanqaadeen kornayl Darawal, 2006 ayuu Rayaale u badalay Cabdillahi Wasaarada Caafimaadka oo ahyd wasaarad baaxad weyn kaalin muhiimana ugu jirta qaranka JSL, wuxuu wasaaradaas maamulayay illaa intii uu iska casilay xilkaas oo ahyd sanadkii 2008.

DIMQURAADIYADA IYO DARAWAL.

Markii uu xilka wasiirnimo iska casilay kornayl Cabdillahi Xuseen Iimaan Darawal 17 sanno oo uu qaranka u shaqaynayay wuxuu u jeestay inuu ka dhabeeyo hammigiisii ahaa inuu Soomaaliland ka noqdo madaxweyne, wuxuu u tafo xaytay inuu tartan la gallo madaxweyne Rayaale, waqtigaas way adkayd in gudoomiyihii xisbigii tallada dalka hayay ee Udub ahaana madaxweynihii Somaliland tartan lala gallo se Darawal marna kamuu gaban wuuna ka badheedhay, 2009 markii uu shaaciyay inuu jagadii gudoomiyaha Udub kula tartamayo madaxweyne Rayaale wuxuu la kulmay dagaal adag oo kaga socday dhanka xukuumadii madaxweyne Rayaale hoggaaminayay, taasoo sababtay in xataa loo diido inuu shirarkiisa ku qabsado hoteelada dalka, ugu dambeyntiina waxaa laga saaray xisbigii uu dhismihiisa iyo taabo-galintiisa qeybta weyn ka soo qaatay. Darawal markii Udub laga saaray wuxuu nasiino ka qaatay siyaasada Soomaaliland, muddo badan ayuu dibada ka ahaa saaxada siyaada mar wax laga waydiiyay isagoo ah nin xilal badan soo qabtay xukaamado kala danbeeyayna la soo shaqeeyay, sababta uu uga soo muuqan waayay xisbiyadii siyaasada ee dalka wuxuu sheegay in aanu ahyn siyaasiyiinta guurguura haddii laga saaray xisbigii uu aasaasayaashiisa ka mid ahaana aanu doonayn in xisbi kalana laga saaro.


Muddo ku siman 13 sanno oo uu ka maqnaa siyaasada JSL, sanadkan aynu ku jirno bilawgiisii mujaahid Cabdillahi Darawal wuxuu aasaasay ururka Horseed, 18kii bishan oo uu Hargeisa ka qabsoomay shirweynihii u horeeyay ee ururka Horseed ayaa kornayl Cabdillahi Xuseen Iimaan Darawal loogu doortay gudoomiyaha ururka iyadoo ururku isku diyaarinayo inuu qeyb ka noqdo tartanka doorashada ururada ee la filayo inay Soomaaliland ka dhacdo dhawaan.

FG: Taariikhda mujaahid Cabdillahi intan kooban way ka balaadhantay waxaanuu u qalmaa in laga reebo dhiggane dhaxal u noqda reer Soomaaliland oo dhan.

FG: Qoraalkani wuxuu ahaa 2 sanno ka hor, maadaama doorashadii ay inagu soo dhawday mar kale ayaan bulshada xasuusinayaa in mid ka mida raggii ugu qaalisanaa ee dhiigooda usoo huray uu doorashada isku sidkan qeyb ka yahay.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...