Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xalay ku hoyday xabsiga Mandheera, oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Qoyska xildhibaanka
ayaa aad uga walaacsan xaaladiisa, inkasta oo uu xildhibaanku la hadlay
aabihiis sida uu BBC-da u sheegay Cabdulqaadir Abiib oo ah xildhibaanka
walaalkiis.
"Shalay ayay walaalkey
iyo aabbe wada hadleen, waxa uuna ku yiri waa nabad qabaa, wax intaa dhaafsanna
kama aynaan helin,’’ ayuu yiri Cabdiqaadir Abiib.
Waxa uu intaa ku daray
in xogo kale oo ay saaka heleen ay sheegayaan in ay jiraan jirdil iyo dhaawacyo
loo geystay xildhibaanka, "Xaaladdiisa caafimaad kama warbixin karno waxa uu ku
sugan yahay, laakiin wararku waxa ay sheegayaan in ay nabarro gaareen oo ay
dhibaato gaartay waa ay soo baxayaan, balse anigu wax rasmi ah oo aan sheegi
karno ma hayno,’’ ayuu yiri xildhibaanka walaalkiis.
Qoyska xildhibaanka
ayaa wajahaya cabsi badan oo ay ka qabaan caafimaadkiisa iyo halka saxda ah ee
uu ku sugan yahay, waxa uuna Cabdulqaadir sheegay in qoraalada baraha bulshada
ay ku arkayaan ee ku saabsan xarigga walaalkiis ay ku badineyso cabsida.
Tan iyo shalay qoyska
xildhibaan Maxamed Abiib ayaa isku dayayey in ay baadigoobaan halka saxda ah ee
uu xildhibaanku ku xiran yahay walow aysan u suurtoobin, iyadoona xalay ay
ogaadeen inuu ku xiran yahay xabsiga Mandheera
Waxa ay sheegeen in ay
tageen xabsiyo badan oo ay tuhmayeen balse ay ka soo waayeen, xilli markii
danbe ay tageen xabsiga Mandheera oo uu ku xirnaa balse waxaa lagu wargaliyay
in ay warqad sharci ah oo booqasho ka soo jartaan taliyaha asluubta, inkasta oo
markii danbe loo sheegay in uu dhamaaday waqtigii booqashada.
Qoyska xildhibaanka
ayaa BBC-da u sheegay in xalay ay madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada
Boorama ay u direen odayaasha matala xildhibaanka balse uu diiday in uu la
kulmo, Cabdulqaadir Abiib ayaa BBC-da u sheegay sida tan, ‘’Ninkii waddanka ugu
sareeyay Boorama ayuu joogaa, xalay odayaasha Boorama ku sugan wuu diiday in uu
la kulmo, cidna lama kulmayo qof reer Awdal ah lama kulmayo baa la yiri xalay
oo odayaasha lagu wargaliyay,’’ ayuu yiri Cabdulqaadir.
Qoyska xildhibaanka
ayaa sheegay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax eed ah oo loo heysto ama sababta
uu u xiran yahay xildhibaan Abiib, iyagoo ku eedeeyey laamaha amniga inay
sharci darro ku haystaan.