Muuse Biixi oo go'aan la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Somalia kaga dhawaaqay Boorama.

Sunday September 01, 2024 - 16:57:02
hadhwanaagnews
Biixi ayaa mar kale ku celiyay diidmadooda Masar



Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa dhaq-dhaqaaq xoogan ka bilaabay halkaasi, si uu xal ugu helo tabashada reer Awdal.

Muuse Biixi oo khudbad u jeediyay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda kala dhalatay heshiiska badda ee uu maamulkiisu la galay dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xiisadda dab kusii shiday, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Biixi ayaa mar kale ku celiyay diidmadooda Masar, wuxuuna ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya inay u yeeraneyso hadal dowlad, laakiin aanay wax u dhimi doonin Somaliland.

"Maanta buuqa jiro ee Xamar waddo ama Masaari u yeer ama Mareykan u yeer ama Ruush ub yeero oo Somaliland dib u ogolaan meyso in Xamar looga taliyo, waayo taariikhda ayaa ataa tuseyso waxa ay qabsatay inta ay is maamuleysay” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa toos ula hadlay shacabka Boorama, maadaama indhowaanagan ay xaalado kacsanaan ah ka jireen magaaladaasi, isaga oo ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga, wadajirkooda iyo qaranimada Somaliland,

"Nimcadaan aynu haysano waa qaranimadaan waa isku tashiga waa nabadda” ayuu mar kale yiri isaga oo la hadlayay reer Boorama.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay "Waynu u duceyneynaa gobollada bariga waxaan ugu duceyneynaa in Ilaahey nabad ka xasiliyo oo ay ku gudbaan xaaladda ay ku jiraan”.

Hadalkan wuxuy kusoo aadayaa, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda badda, isla markaana ay kasii dartay xaaladda gobolka, kadjb markii lagu kala kacay wada-hadalladii Anakara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

     
Loading...