Somaliland oo qaadday tallaabooyin looga hortagayo cudurka Furuqa Daanyeerka

Monday August 19, 2024 - 08:01:57
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa waxa uu daarnaa in dadweynaha la dareensiiyo

Shir


Iyada oo dhawaan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) uu ku dhawaaqay cudurka Furuqa Daanyeerka Mpox ee ka dillaacay qaybo ka mid ah Afrika in ay tahay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo caalami ah, ayna saynisyahano ka socda Xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC) iyaguna sheegeen inay ka walaacsan yihiin xawaaraha uu ku faafayo nooca cusub oo Furuqa Daanyerka (Mpox) ayaa Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxa ay arrintaasi ka yeesheen kulan looga hadlayo sidii loogu diyaargaroobi lahaa ka hortagga cudurkaas.


 

Kulanka oo ay iskugu yimaadeen saraakiisha Wasaaaradda Caafimaadka gaar ahaan Guddiga Xaaladaha Degdegga ah ee Wasaardaa Caafimaadka Somaliland.


 

Kulanka ayaa waxa uu daarnaa in dadweynaha la dareensiiyo xaaladdaasi caafimaad in kasta oo aan lagu arkin cudurkaas Furuqa Daanyeerka Somaliland, haddana maadaama dunida looga dhawaaqay xaalad caafimaad oo degdeg ah in dadka laga wacyi geliyo cudurka iyo sidii ay uga digtoonaan lahaayeen.


 

Waa maxay tallaabooyinka caafimaad ee ay Somaliland fulin doonto

 

Agaasimaha Guud ee Wasaardda Caafimaadka ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo BBCda u warramay ayaa sheegay in tallaabooyinka ay qaadeen ay ka mid yihiin sidii bulshada loola wadaagi lahaa xanuunka, calaamadihiisa , haddii calaamadahaas la arko waxa uu qofku yeelayo . Talaabooyinka kale ee ay Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland ay qaaday waxa ka mid ah in la dalbo agabkii lagu baari laha cudurka, kaas oo la dhigayo meelaha xuduudaha ah ee laga soo galo Somaliland iyo in la baaro qofkii xumad lagu arko.


 

Si talaabooyinkaasi caafimaad loo fuliyo Agaasimaha ayaa sheegay in ay sameynayaan tababbarro caafimaad oo la siinayo shaqaalaha caafimaadka si ay xanuunkan oo cusub ama aan markii hore dunida aad uga jiri jirin ay ku tababartaan sidii loola tacaalli ahaa, haddii kiisas la arko, iyo in qeybihii kala duwanaa ee gargaarka degdegga ah la holwgeliyo dhamaantood si ay ugu diyaargaroobaan haddiiba ay dhacdo in kiisas ay soo galaan Somaliland.


 

Calaamadaha lagu garan karo cudurkan waxa ka mid ah "finan buurbuuran oo jirka ka soo baxayo oo mararka qaarkood leh dheecaan , qofku waxa uu arkayaa xumad , waxa uu arkayaa dhabar xanuun, murqo xanuun , madax xanuun iyo tabar darro badan” ayuu sheegay Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo intaasi ku daray in qofkii calaamadahaas arka inuu soo ogeysiiyo Wasaaardda Caafimaadka ama xarunta caafimadka ee ugu dhaw.


 

Mar la weeydiiyay Agaasimaha, Dr Xergeeye sida ay ku hubinayaan xuduudaha dadka ka soo gelayo in aanay xanuunkaasi qabin waxa uu yiri ” Waxa aan isku dayeeynaa in gudigu soo diyaariyo foomam lagu diiwaangeliyo qofka qabo xumad am looga shakiyo xanuunka, foomamkaas oo la dhigayo xuduudaha, taas oo lagu diiwaangelinayo macluumaadkiisa iyo halka uu degayo iyo halka laga helayo” sidoo kalena baaritaan degdeg ah lagu diyaariyo goobaha laga soo galo xuduudaha.


 

Agaasime Xergeeye ayaa sheegay in Covidkii laga bartay xaalado badan oo qalabka qaarkoodna ay yaalaan.


 

Xanuunka noocaan oo kale ah wax uu leeyahay shuruuc caalami ah, sidoo kale waxaa jira hay’ado wada shaqeeya, haddaba Dr Xergeeye oo ka hadlayey wadashaqeyntaas ayaa sheegay in hay’adahaas wada shaqeeya ay ka mid noqon doonaan guddiyada ay wada shaqeeyaan iyadoo Wasaaradda Caafimaadka hoggaamineyso, hay’adahaas oo ay ka mid yihiin sida haydaha Socdaalka iyo Amniga iyo kuwa caalamiga ahba, "dhammaan waxa ay ka mid noqon doonaan guddiyada aan mustaqbalka howlaha kala duwan u xilsaareeyno”. Ayuu yiri.


 

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye waxa uu sheegay in laba maalmood gudahood ay soo saari doonaan qorshayaal dhameystiran haddiiba ay dhacdo in uu si degdeg ah ugu soo fido dalka.


 

Walaaca dunida ee cudurka Furuqa Daanyeerka


 

Xarunta Midowga Afrika ee Xakamaynta Cudurrada (CDC) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday nooc cusub oo fayraska Furuqa Daanyeerka (mpox) xaalad degdeg ah oo caafimaad dadweyne.


 

Digniintan ku saabsan mpox, oo markii hore loogu yeeri jiray Monkeypox, waxay astaan u tahay marxalad cusub oo muhiim ah oo qaaradda wax looga qabanayo cudurka.


 

Guddi khubaro ah ayaa si isku mid ah u taageeray go’aanka.

 

Fayraska ayaa si xowli ah ugu faafaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo khubaradu ay sheegeen inuu yahay nooc ka duwan kii ugu khatarta badnaa ee ay arkeen.


 

Si kastaba ha ahaatee, sanadkan kiisasku aad ayay u kordheen iyadoo mpox laga soo sheegay ugu yaraan 16 wadan oo Afrikaan ah.


 

Dhamaadkii July CDC waxay soo sheegtay wadar ahaan 37,583 xaaladood tan iyo bilowgii 2022 iyadoo 1,451 dhimasho laga soo sheegay 15 Waddan oo Midowga Afrika ka tirsan.


 

ACDC waxay ka digaysaa in tani ay faraha ka baxdo waxayna codsatay tallaalo badan.


 

"Tani kaliya maahan qadiyad u gaara Afrika, mpox waa khatar caalami ah, khatar aan garanayn xuduud, jinsiyad, iyo caqiido," ayuu yiri Agaasimaha Guud ee ACDC Jean Kaseya.


 

Ku dhawaaqida xaaladda degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha ayaa ka caawin doontaa dawladaha isku-dubbaridka waxqabadkooda taas oo ay suurtogal tahay inay kordhiso qulqulka sahayda caafimaadka iyo gargaarka meelaha ay dhibaatadu saameysey.

ISHA BBC/SOMALI
     
Loading...