"Waxay Igu tidhi Walaal Daawo Qaali ah ha ii Qorin, Lacagta shaybaadhkaba Waaan soo amaahdaye" Waxa Qoray Maxamed Faarax Qotti

Tuesday August 13, 2024 - 09:17:50
hadhwanaagnews
Dhakhtarnimadu waa naxariista



Wali waxa aynu ku jirnaa sawirkeenii maalinlaha ahaa, maanta mar aanu ku kulannay goob lagu khaxweeyo Dr. Cabdishakuur Axmed Maxamed oo ah dhakhtar ku takhakhusay daaweynta cudurrada guud, waxa uu iiga sheekeeyey, maalin maalmaha ka mid ah oo uu daaweynaayey ilmo-yar oo xumadi ku dhacday oo sanka dhiig ka socdo, waxaannu igu yidhi;- Aniga oo aan ka warqabin xaaladda hooyada wadatay ilmaha yar ayaan shay-baadh u diray.


Ka dib, markii ay igu soo noqotay iyadoo sidata warqaddii war-celinta ee ka soo baxday shaybaadhka ee aan eegay jawaabtii, ayaan is idhi u qor daawadii ku habooneyd ilmaha yar ee xannuunsanayey, isla markiiba hooyadii ilmaha yar dhashay ayaa igu tidhi, Dhakhtar daawo qaaliya ha ii qorin, walaahi 60,000-kun ee shaybaadhkaba gabadh aanu jaar nahay ayaan ka soo amaahday.


Arrintaasi waxay igu abuurtay dareen jidhiidhico leh oo ilmo indhahayga ay ku soo joogsatay, maalinkaas waxa ay ii ahayd maalin madow, hooyadan ayaa dhashay lix caruur ah waxaannay sidatay laba caruur ah oo xannuunsanayey, inkastoo afarta kale ee ay dhashayna ay guriga u jiifayna oo ay u tahli weyday in cusbitaalka u soo qaado, waxaan go'aansaday in aan kharashkii shaybaadhka iyo daawadii aan bixiyo, waxaannan u balan qaaday inta aan noolahay, haddii caruurtu ay ka xannuunsato uu u daweeyo kharash la'aan.


Dhacdadan markii uu iiga sheekaynaayey aniga laftigayga ayuu dareenkaygu isbeddelay, waxaanna muhiim ah mar walba in ay dhakhaatiirtu la socdaan xaaladda iyo duruufta waalidka ayu daweynayaan caruurta ama qofka jiran ee ay wadaan, waa Maxamed Faarax Qoti oonidin leh habeen wanaagsan.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...