Wasiir Kaahin Oo Cirro Ka Codsaday In Uu Cadeeyo Mawqifkiisa Heshiiska Itoobiya?

Monday June 24, 2024 - 16:44:05
Hadhwanaag
"Cabdiraxmaan Cirro waa Madaxwayne, heshiiska laba mid ayaa uga yaala,…"



Hargaysa (HWN) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa u soo jeediyay murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro inuu taageero ama diido heshiiskii is af-garadka ahaa ee ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

 


"Cabdiraxmaan Cirro waa Madaxwayne, heshiiska laba mid ayaa uga yaala, in uu yidhaahdo heshiiska dantii qaranimadda Somaliland ayaa ku jirta ama in uu yidhaahdo tuugaa ku jirta Muuse Biixi ayaa Ina khiyaamaynaya," ayuu yidhi wasiir kaahin oo ka hadlayey Xaflad Xisbiga Kulmiye qabsaday.

 


Hore ayay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani usheegeen inay soo dhawaynayaan heshiiska haddii ay danta Somaliland ku jirto.


 Heshiiskan ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya ayaa muran ka dhex abuuray Somaliya iyo Itoobiya, kaasi oo gaadhsiiyay khilaafka labadaasi dal meel sare oo ilaa hada xal loo laayahay.

     
Loading...