Xukuumadda Somaliland Oo Shimbir Xaalad Caafimaad Ugu Qaaday Dalka Jabuuti.

Tuesday May 07, 2024 - 12:56:08
Hadhwanaag
"Warkan ayaa imanaya xili xaalada qaar kamid ah shacabka Somaliland ay ku suganyihiin ay liidato."



Hargeysa, - (HWN - Shimbir haad ah ayaa ku dhintay magaalada Lawyo-caddo kadib markii ay xukuumadda Somaliland u qaaday dalka Jabuuti, si looga daweeyo dhaawac soo gaadhay.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare, oo waraysi siisay BBC Somali ayaa sheegtay in shimbirkan oo ahaa nooc haadka kamid ah oo sii dabar go'aya uu dhaawacmay kadib markii uu ku dhacay xadhig koronto, kadibna uu garabka ka jabay.

Marwo Baandare waxay sheegtay in kadib markii uu shimbirku dhaawacmay ay caruur ka agdhawayd soo qaadeen oo ay keeneen goob lagu xanaaneeyo xayawaanada duur joogta ah oo ku taala magaalada Hargaysa, dadaal dheer kadibna ay waxba ka qaban kari waayeen xaaladiisa ayna go'aan sadeen in ay u qaadan dalka Jabuuti.

Waxaanu yidhi."Markii ay caruurtu keeneen waxa joogay dhakhaatiir waanu sawirnay waxaanu ogaanay in uu garabka ka jabay, markii aanu aragnay in uu daryeelkale usii baahanyahay ayaa dhakhtar takhasus ah Jabuuti jooga uu yidhi aniga ii keena" 
.
Waxa ay xustay in markii shimbirku uu gaadhay magaalada Lawya-caddo ee xadka Somaliland iyo Jabuuti laga codsaday in ay keenaan waraaqo dheeraad ah oo sharci si shimbirka looga gudbiyo xadka, isla markaana intii ay ku mashquulsanaayeen samaynta waraaqaha uu shimbirku dhintay.

Wasiir Shukri Baandare waxay sheegtay in ay aad uga xumaadeen dhimashada haadka, isla markaana ay shaqaalaha wasaaradeedu iskaga tacsiyeeyeen, iyada oo sheegtay in uu ahaa nooc kasii dabargo'aya dhulka Soomaalida.


Warkan ayaa imanaya xili xaalada qaar kamid ah shacabka Somaliland ay ku suganyihiin ay liidato.
     
Loading...