Muxuu Yahay Warka Uu Hada Baahiyay Komishanka Doorashooyinka Somaliland?

Monday May 06, 2024 - 18:20:03
Hadhwanaag
"KDQ isaga oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) ..."
Hargaysa (HWN) Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa markii ugu horaysay hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha (Biometric Voter Registration Audit System). 


KDQ isaga oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) iyo hay'adda Natherland Institute for Multiparty Democracy (NIMD) waxa uu heshiis shaqo la galay khabiir madax-banaan oo takhasus u leh shaqadan, khabiirka oo shaqada ku jiray muddo laba todobaad ah, isla markaana soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee hantidhowrka ayey maanta KDQ u sameeyeen kulan sogootin ah.


Hantidhowrkan madaxa-banaan ee lagu samaynayo Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha ayaa waxa uu kor u qaadayaa kalsoonida daneeyeyaasha doorashooyinka JSL, waxayna horseed u tahay fullinta doorashooyinka xor iyo xalaal ah oo daahfuran.

     
Loading...