G. Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xubintii Waddani Ee Komishanka Doorashooyinka

Monday May 06, 2024 - 12:56:32
Hadhwanaag
"Dhamaystirka gudiga doorashooyika ayaa u muuqata mid loogu diyaar garoobayo "


Golaha wakiilada ee jamhuuriyadda  Somaliland ayaa saaka ansixiyay xubintii todobaad ee komishinka doorashooyinka.


Siciid Maxamed Cismaan oo dhawaan ay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay usoo u gudbiyeen madaxweynaha Somaliland, madaxweynuhuna uu u gudbyay baarlamaanka ka dib markii u saxeexay ayaa maanta si rasmi ah ugu biiraya gudiga doorashooyinka oo la filayo in ay dhowr bilood kadib qabtaan laba doorasho oo kala ah mida madaxtooyada iyo midda ururada.


Dhamaystirka gudiga doorashooyika ayaa u muuqata mid loogu diyaar garoobayo a doorashoo oo murankoodu soo jiitamay, haddase heshiis lagu yahay in ay dhacaan13-ka bisha Nufeember
     
Loading...