Si aad u gaadho meeshaad doonayso, waxyaabahan samee!

Thursday May 02, 2024 - 12:16:01
Hadhwanaagtv
Haku danaysan dadka kale. Qofka danaystaha ah dadku..

1. Danahaaga ku mashquul. Ka mashquul wixii aan dani kuugu jirin, waayo waxa kaliya ee kaaga lumayaa waa wakhti iyo awood aad ku qaban lahayd waxyaabo kale oo ka muhiimsan.

2. Wakhtigaaga ka faa‘idayso. Wakhtigu waa noloshaada iyo cimrigaada. Haddii aad oggolaato inuu kaa khasaaro, waxaad oggolaatay inaad noloshaada qayb ka mid ah ku bixiso meel aan looga baahnayn.

3. Noloshaada u diyaari isbaddel kasta oo dhaca. Dunidu wey isbaddalaysaa, oo xiligan waxa ku noolaan kara qof la jaan-qaadi kara isbaddelada xawliga ah ee ku socda dunida. Kursigaaga ka qabso baska isbaddelka, ka hor intaanu kaa dhaqaaqin.

4. Ha xumayn dadka kale. Dadka jeclow, ee ha iska nicin ujeedo la‘aan. Ha xaman. War haka sheegin, wanaag mooyee. La saaxiib, oo wanaaji. La qosol, oo wejigaaga u fur.

5. Haku danaysan dadka kale. Qofka danaystaha ah dadku ma jecla, ee ha noqon qof muhiimad weyn siiya kaliya innuu dadka ku danaysto. U oggolow mararka qaar inaad ugu addeegto adigoo aan dani kuugu jirin. Dadka u caawi dar Alle, ee ha caawin adiga dantaada, waayo waxa badan meelaha aanay dantu kuugu jirin. Ugu khidmee dadkaaga cilimigu illaahay ku baray iyo xoolaha uu illaahay ku siiyay.

6. Tijaabi waxyaabo cusub. Biyuhu wey ku uraan, haddii ay meel kaliya taagnaadaan. Isbaddel samee, oo soo eeg meel cusub. Tijaabooyinka cusub waxay kuu furi doonaan albaabo aanad hore ugu riyoon. Kaliya waxaad u baahan tahay inaad qaado jid cusub, oo aanad hore u marin. Waa hubaal inaad soo baran doonto wax cusub.

7. Is-dhis, oo noloshaada dib u habee. Is-xisaabi, oo noloshaada dib u eeg.
8. Noqo qofka ugu wanaagsan ee shaqadaas qabanaya. Wax kasta oo aad qabanayso tamar badan geli inaad noqoto qofka ugu wanaagsan. U qabo si bilaa hagrasho ah. U dadaal intii aad karto. Kor u soco, oo dib ha ugusoo noqon meeshii aad hore uga dhaqaaqday.

9. Caafimaadkaaga ilaali, oo ka war-hay. Wax kasta oo aad qabanayso waxa furre u ah caafimaadka. ilaali caafimaadkaaga, oo joogtee inaad ka war-hayso heerka caafimaadkaagu marayo. Dhakhtarka booqo xitaa adigoo caafimaad qaba, oo isasoo eeg caafimaadkaaga guud. Oggow haddii aad weydo caafimaadkaaga waxaad weyday wax kasta oo aad noloshaada ku waddi-karaysay.
10. Ha iska noolaan, ee ku noolow qorshe iyo ujeedo. Noloshu yaanay kaa noqon is-dhex yaac, oo ha iska qaban kolba wixii kaasoo horbaxa. Waa qasab inuu jiro ujeedo iyo wax aad raadinaysaa. Noloshu wey ku dheerataa qofka iska nool, ee aan ku mashquulsanayn ujeedo iyo hadaf. Haddii aad raadin weydo ujeedadaas, wakhtigaaga ayaa kugu noqon doona caqabada koowaad.
Waxaan kuu rajaynayaa nolol qurux badan insha Allah.????

La wadaag saaxiibadaa!

Mohamed Faisal
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...