Muxuu Yahay Shirka Mihiimka Ah Ee Xasan Sheekh Ku Baaqay Ee Baaqday?

Saturday April 20, 2024 - 08:15:05
Hadhwanaag
"Shirkan oo muhiim u ah dardargelinta horumarinta dowladnimada, gaar ahaan ..."


Shirkii ay Sabtida maanta ah yeelan lahaayeen golaha wadatashiga qaranka ayaa dib loo dhigay "sababo farsamoā€¯ awgeed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya.


"Shirkan oo muhiim u ah dardargelinta horumarinta dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhammeystirka dastuurka, iyo arrimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska Ra'iusl Wasaaraha.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii iskugu yeeray kulan ay yeeshaan madaxda federaalka iyo kuwa heer goboleed.


Madaxweynaha ayaa warqado u kala diray madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Glabeed, Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka gobolka Banaadir.
     
Loading...