Maxaa Sababa Dhibaatooyinka Inagu Soo Noq-noqda Ee Dhex Mara Dowladda Iyo Dadweynaha Ama Beelaha?

Tuesday April 16, 2024 - 09:36:03
hadhawanaag
Mudo waxa aan dhuganayey dhibaatooyinka ugu waaweyn....


Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxyaabaha ku soo noqnoqda ee mudada 33 sanadood ah ee qaranku jirey waxaa ka mid ah dagaalada qabaailka ama beelaha, iska hor imaadyo dawlada iyo dadkeega ah iwm.


 

Arimahani waxay u baahan yihiin in la isweydiiyo halkee dhibtani ka imaneysaa iyo dawadeedu maxay tahay ama maxaa lagaga bixi karayaa ?


 

Mudo waxa aan dhuganayey dhibaatooyinka ugu waaweyn ee keena amaan-daradda guud sida ;


 

1-iska hor imaadyada beelaha ( dagaal beeleedka ).

 

2- Isku dhaca dadka shacbiga ah & dawlada .

 

3- isku dhacyada beelaha & dawlada .


 

Horta waxa cadaan ah in aan bulsho ahaan dadkeenu aanu faham buuxa ka haysanin dawladnimadu waxa ay tahay faaiidada ay u leedahay iyo inay iyagu leeyihiin .


 

Ayaan darada jirta ee kale ayaa ah in aanay helin hogaamin siyaasadeed oo dadka u bisleysa wacyi dawladnimo oo tolmoon iyo in la helo bulsho baraarugsan oo danteeda guud ilaashata iyo waxii u wanaagsan.


 

Haddaba sadexda dhibaato ee aan kor ku soo sheegay waxaa sabab u ah arimahani hoos ku sheegan ;


 

1- Dagaalka beelaha dhexdooda waxaa sababtiisu tahay ;

 

b) Dhibaatooyin ka dhaca dhulka sida daaqsinta xoolaha , degmada ama deegaamaynta iyo goobaha biyaha ( bali , war , dhaam , ceel biyood iwm ).

 

t) Isku dhaca dadka iyo dawladu waxa uu ku yimaadaa laba mid uun ;

 

1- Dadka oo danahooga ka mudaharaadaya sida sicir-barar , biyo la'aan , waxbarsho xumo , caafimaad daro , nabadgalyada oo liidata iwm oo ay iska hor yimaadaan ciidamada iyo maamulka dawlada halkaasina khasaare baahsani ka dhasho iyo in dawladnimada kalsoonidii lagu qabay hoos u dhacdo.

 

2- Dano siyaasadeed oo la isku hayo oo mucaaridka oo taageerayaashiisa wata iyo dawladu isku dhacaan halkaasina uu ka yimaado khasaare naf iyo maalba lihi.


 

J) Isku dhacyada beelaha iyo dawlada isaguna waxa uu salka ku hayaa uun dano siyaasadeed maadaama tartanada siyaasiga ahi u xuub siibteen qaar beelaysan kaasi oo halis ku ah amniga guud iyo dawladnimada ba.


 

MUXUU NOQONAYAA XALKU ?


 

1- Dhibaato walba oo dhacda waa in wax laga bartaa xalkeeda iyo qaabka loo demiyey si aanay inoogu soo noqonin , taasi oo u baahan in daraasad cilmi ah lagu sameeyo waxa keenay iyo sababta ay u soo noqnoqdaan arimahani.


 

2- Daadejinta maamulka dawladnimo iyo ka qayb qaadashada dadka ama talogelinta bulshada si qofwaliba doorkiisa u qaato.


 

3- Siyaasada oo laga saaro qabyaalada iyo beelaysiga oo noqota mid aragti iyo mabaadii ku fadhida oo lagu tartamayo barnaamij siyaasadeed oo dadka iyo dalka wax loogu qabanayo.


 

4- Dhisida kalsoonida bulshada ee ay ku qabaan dawladnimada oo ku xidhan hadba sidii nidaamka dawladnimo dadka ugu hagar baxo ee u siiyo adeegyo nabadgalyo , waxbarasho, caafimaad , biyo nadiif , nal iyo kaabista wax soosaarka beeraha iyo xoolaha.


 

5- Ciidamada oo lagu tababaro in xabad la'aanteed xal la heli karo oo aan marwalba dhacdadii timaada aanu qorigu shaqeyn ee caqligu shaqeeyo.


 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...