Mahmahaa Carabi Ah Ayaa Waxa Ay Tidhaahda "حظ يفلق الصخر" Nasiibku Dhagax Ayuu Kala Jeexaa

Sunday April 14, 2024 - 10:15:55
hadhawanaag
Kadibna Waxa Aan Ka Dul Dhacay Xaaskayga Aniga...



Xisaabiye Maraykan Ah Oo Lagu Magacaabo Tayeb Souami , Isla Markaana Xisaabiye Ka Ahaa Shirkad Cuntada Samaysa , Ayaa 5 Dollar Kusoo Iibsadey Sanduukh Casiir Ah, Markii Uu Gurigiisa Kusoo Laabtay Ayuu Xaaskiisu Waydiisay Qiimaha Uu Kusoo Iibsaday Casiirkaas, Waxa Uu Usheegay In Uu Shan Doollar Kusoo Iibiyay , Waa Ay Ku Xanaaqday Waxayna Ku Amartay In Uu Celiyo Casiirkaan Taas Baddalkeedana Iu Dukaanka Xaafadooda U Dhaw Uu Kusoo Iibsado 2.5, Oo Ah Haaf Lacagtii Hore, Yacni Waxay Kucanaanatay In Uu Xoolo Madadar Yahay Oo Uu Xoolo Burburinayo.


 

Souami Waxa Uu Ka Baxay Gurigii Si Uu Uga Badbaado Dhib Uu Kala Kulmo Xaaskiisa Waxaanu Ku Adkaysatay In Uu Sanduukha Casiirka Ah Celiyo ,Tayeb Souami Inta Uu Sanduuqii Casiirka Ahaa Celiyey Ayuu Iibsadey Sanduuq Kale Oo Uga Jaban Sicirka Qiimihisuna Yahay 2,5 Oo Dollar , Intii Aanu Ka Bixin Dukaankii Uu Casiirka Ka Iibsadey Ayaa Waxa Uu Akhriyey Xayaysiis Bakhtiyaa Nasiib Ah, Oo Abaal Gudkiisuna Dhan Yahay Malaayiin Dollar, Souami Waxa Uu Ku Fekerey In Uu Ku Iibsado 2.5 Dollar Ee Uga Soo Hadhay Sanduuqa Casiirka Ah Ee Uu Celiyey Laba Tigidh Oo Uu Ku Galo Bakhtiyaa Nasiibka Sidii Ayaanu Yeelay Oo Waxa Uu Ku Ridey Sanduuqii Nasiibka Laba Tigidh Oo Magaciisu Ku Qoran Yahay,


 

Maalin Labaadii Ayuu Ubaxay Souami Si Uu Usoo Dhaqo Baabuurkiisa , Kadib Waxa Uu Istaagey Goob Baabuurta Shidaalka Lagaga Shubo Oo La Yidhaado 7 Eleven , Waxaanu Waydiiyey Shaqaalihii Natiijadii Tigidhada Iyo Cida Heshay Bakhtayaa Nasiibkii , Tigidhkii Ugu Horeeyey Waxa Uu Noqday Mid Aanu Souami Ku Guulaysa , Balse Ninkii Shaqaalaha Ahaa Ayaa Isaga Oo Aad Naxsan Cidkiisana Kor Uqaadaya Ku Dhawaaqay "O My God” ,


 

Tayeb Souami Aad Ayuu Ugu Naxay Markii Uu Ninka Shaqaalaha Ahi Ku Wargeliyey In Uu Ku Guulaystay Bakhtiyaa Nasiibka Qiimihiisu Dhan Yahay 315,300,000 Oo Doolar , Tayeb Souami Wuu Is Hayn Kari Waayey Oo Waxa Ku Dhacay Filan Waa Waanu Rumaysan Waayey , Isaga Oo Ka Waramaya Sida Ay Wax Udhaceen Ayaa Waxa Uu Yidhi Gacmaha Ayaa Igariirayey Oo Dareenkaygu Muu Ahayn Mid Aan Anigu Gacanta Ku Hayo Oo Aan Kaantarooli Karo Waxayna Igu Qaadatay In Aan Guriga Gaadho Laba Saacadood ,


 

Kadibna Waxa Aan Ka Dul Dhacay Xaaskayga Aniga Oo Ooyaya Oo Ku Turunturoonaya Hadalka Wayna Yaabtay Xaalada Aan Ku Sugnaa , Markii Aanu Usheegay La Yaabka Iyo Hantida Aan Ka Helay Sanduuqii Casiirka Ah Ee Ay Igu Qasabtay In Aan Celiyo Iyaduna Waxa Ay Gashay Farxad Iyo Uqaadan Waa Ka Daran Tii Aan Ku Jirey


Ninka Ay Xaaskiisu Ka Codsato In Uu Wax Dib Uceliyow Degdeg Ucarar Oo Haka Daahin !

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...