Maxaa ina tusay waxa inaga maqan oo kalya?

Sunday April 14, 2024 - 10:11:15
hadhwanaagtv
Wali xabaalaha aaday? Qubuuraha waliga tagtay adigoon qof..



~ Wali dhakhtarka ma booqatay? Ma boqatay adigoo cafimaad qaba ? Ma booqatay adigoon qof xanuunsan utagin? Bal kawar doon waxyaabo badan baa kuu iftiimi doonee.


~ Wali xabaalaha aaday? Qubuuraha waliga tagtay adigoon qof ehelka ah qabrigiisa booqanin? Markaad tagtay maku yara nagaatay dushooda? Bal tiro ba dhawr jeer bishii gaadh qubuuraha ruuxdaadu waay isbadali dontaaye.


~ Dadka waalan mau fiirsatay? Kuwa naafada ah kawaran? Kuwa danyarta ah kawaran?


~ Xabsiyada Wali ma booqatay? Dadka ku xidhan ma ka waraysatay waxa ugu wayn ee aay doorbidayaan isla wakhtigaas? Bal isku day inaad saas yeeshid.


~ Agoonta Wali ma la saaxibtay? Masakiinta ma la rafiiqday? Caruurta Mala ciyaartay waligaa? Wayeelka Mala kaftantay?


~ Bal isku day inaad talaabooyinkaas qaadid si noloshaadu u yeelato dhadhan, qanaaco, xasilooni, kaadsiinyo iyo raaxo.

Nour Nour Ibroz

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...