Faraqa u dhaxeeya Raha iyo Toad-ka.

Friday April 12, 2024 - 10:37:28
Hadhwanaag
W/Q: Dr-ibraahin Dhuxul



Dad badan ayaa isku khalda labadan xayawaan balse waxaa jira kala duwanaansho u dhaxeeya, kaas oo aynu u baahanahay in aynu ogaano. Labadan xayawaan waxay kawada tirsan yihiin qoyska ballaadhan ee berri-biyoodka, dhanka kale iyagoo kamid ah noolayaasha aan dibka lahayn (Anura) sida ay cilmi baadhis ku ogaatay jaamacada Penn State University ee dalka mareekanka. Sidoo kale waxaa warbixintaas lagu xusay dhammaan rahu waxa uu qayb ahaan hoostagaan marka qaybinta noolayaasha berri-biyoodka ah Toads-ka, halka noolaha kale isagu aanu hoostagin Raha. Kala duwananashaha muuqaalka sare waxa weyn Toad-ka, iyadoo maqaarka rahuna uu yahay mid isku siman oo aan lahayn buurbuur iyo finan, tani waxay xidhiidh la leedahay rahu waxa uu qoyaanka biyaha ku nuuga maqaarkiisa sare balse Toads-ku sida maaha badanaa biyaha way ka fogadaan iyagoo u jirsan kara masaafo aad u fog.

Qaabka jidhka raha waxa uu uweyn yahay lugah danbe ee uu ku boodo, halka uu Toad-ku u weyn yahay lugaha horre. Xilliyada socodka way kula duwan yihiin raha waa uu booda halka uu Toad-ku aanu xoog u badin xilliyadda qaarna uu gurguurto. Qaabka sandkoodu waa uu kala gedisan yahay rahu waxa uu leeyahay san aanu yar halka uu Toad-ku leeyahay mid ballaadhan. Deegaan ahaan rahu waxaa uu aad ugu nool yahay biyaha isagoo ku qaata wakhtigiisa inta ugu badan balse Toad-ku waa ka duwan yahay waxaana uu ku nool yahay berriga. Sunta labada xayawaan marka la eego dhammaan raha oo dhan maaha sun balse Toad-ku isagu waxa uu leeyahay sun halis ah ama noocyadiisa kala duwani. Ugu danbayntii labadan xayawaan dhammaan waxa laga helaa qaaradaha kala duwan ee dunida marka laga reebo dhulweynaha barafka ee Atlaantiga.

W/Q: Dr-ibraahin Dhuxul
Mayeedhaan Magazine
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...